HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Maareeye Cusub u magacaabay Telefishanka Qaranka iyo Maareeyihii hore...

Madaxweyne Siilaanyo oo Maareeye Cusub u magacaabay Telefishanka Qaranka iyo Maareeyihii hore oo shaqo kale loogu beddelay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey soo hayay xilkaas, waxaanu beddelkiisa Maareeyaha Guud ee Telefishanka u magacaabay masuul cusub oo lagu magacaabo Cabdi Cali Mahdi oo ka mid ah Qurbejoogga dalka.
Sida lagu sheegay war-saxafadeed caawa ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, Md Siilaanyo waxa uu Maareeyihii hore ee Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas u magacaabay inuu noqo La-taliyihiisa Gaarka ah ee Warbaahinta.

maareeyaha Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3252/042015 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka, isaga oo maareeyihii horena u bedelay, una magacaabay Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi Cali Mahdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Beddelka Maareeyihii hore iyo magacaabistiisa.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Khadar Xasan Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.”

Xil-ka-qaadista Maareeyihii hore ee telefishanka, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo oo khilaaf xooggan oo muddooyinkii u dambeeyey soo-jiitamayey oo u dhexeeyey Maareeyaha iyo Wasiirka Wasaaraddaas Cabdilaahi Maxamed Daahir oo isku maan-dhaafay ku-tagri-falka awoodeed ee maamulka Telefishanka Qaranka oo ka madax-banaan wasaaradda Warfaafinta. Haseyeeshee, xil-ka-qaadista Khadar Cali Gaas ee maanta waxa soo-dedejiyey dhacdo maanta ka dhacday gudaha wasaaradda Warfaafinta, kaddib markii uu Maareeyihii hore Waaran Xadhig ah u soo jaray  Madaxa Wararka ee Telefishanka Qaranka Wariye Abiib Iimaan Xasan oo wasiir Cukuse u magacaabay xilkaas, balse uu ka dhego-adayay shaqo ka fadhiisin uu maareeyuhu ku sameeyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories