HomeMadaxweyne Siilaanyo oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Switzerland

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Switzerland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta la kulmay wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Switzerland u qaabilsan qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika, Mr. Jacques Pitteloud, waxaanay sheegeen in booqashadooda Somaliland ay salka ku hayso xaqiiqo-u-noqoshada horumarka ka socda Somaliland isla markaana ay kulamo la yeelanayaan hay’ado ka tirsan dawladda Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in weftigani oo ka kooban saddex xubnood uu dalka ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, waxaanu warsaxafadeedkaas oo dhammaystiran u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hogaaminaayo Safiirka Wadanka Switzerland u qaabilsan wadamada Kenya, Burundi, Rwanda, Uganda, Somaliland, Somalia iyo Seychelles Jacques Pitteloud.

Weftigan oo ka koobnaa 3 xibnood waxa ay Madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay salka ku hayso sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada taabo-galka dimuqraadiyada, horumarka, & nabagelyada, waxaana uu xusay inay dawladoodu danaynayso sidii ay wada-shaqayn buuxda ula yeelan lahayd Somaliland.

blankWaxa uu safarkiisu intaasi ku daray in socdaalkoodan ay ku joogayaan wadanka muddo 2 maalmood ah, isla-markaana ay la kulmayaan Labada Gole ee Baarlamaaanka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo Ururada Bulshada.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa uga mahadceliyay safiirka safarkoodan waxaana uu uga waramay maraaxilkii kala duwan ee ay Somaliland soo martay mudadii 20 sanadood ee ay dib ula soo noqotay xoriyadeeda, Madaxweynuhu waxa uu muujiyay inay Somaliland diyaar u tahay wada shaqayn iyo xidhiidh adag oo ay la yeelato wadamada beesha caalamka oo ay Switzerland ka mid tahay.

Dhinaca Xukuumada waxa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Md. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Rashiid Sh. Xasan.”

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories