HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Maanta safar ku tagay Ethiopia kana hadlay Ujeeddada kulan...

Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta safar ku tagay Ethiopia kana hadlay Ujeeddada kulan uu la yeelanayo Raysalwasaare Meles Zenawi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 06 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha somaliland ayaa maanta safar hal maalin qaadin doona ku tagay wadanka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, waxaana madaxweynaha safarkan ku wehelinayey xubno ka mid ah golihiisa wasiirada oo ka ay mid yihiin wasiirrada Arimaha Debedda, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada iyo Marwada koowaad ee dalka.

blankMadaxwaynaha somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo intii aanu ka anba bixin garoonka caalamiga ah ee Egal International Airport ee magaaladda hargeysa  ka hadlay ujeefdada safarkiisa ayaa sheegay in safarkani uu salka ku hayo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, waxaanu yidhi, “Maanta waxaanu safar ku tagaynaa wadanka Ethiopia halkaas oo aanu kula kulmi doono Raysalwasaaraha dalka Ethiopia oo ah dal aynu saaxiib nahay oo aynu jaar nahay, kolay markaynu muddo joognana dhaqankeenu waxa uu ahaa inaynu ka wada hadalno arimaha mandaqadda ku soo kordha oo aanu ka wada tashanno wixii dan ah ee labada dal khuseeya, waana safar aanu kaga wada hadli doono wixii danta labada dal ku jirto.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu dib ugu soo noqon doono dalka, balse aanu halkaa ka tagi doonin shirka ka dhacaya wadanka ingiriiska.

blankMar la waydiiyey madaxweynaha Somaliland in Raysal wasaaraha Ethiopia ay ka wada hadli doonaan arrinta Khaatumo oo iyada madaxdeedii halkaa ku sugan yihiin waxa uu ku jawaabay,”Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia waa mid aad u adag oo aad u wanaagsan waana ka aanu hadyo jeer isku arkayno ee aanu ilaalinayno, arrimaha la xidhiidha Cali Khaliif ama cid kale, wixii danta Somaliland ku jirto waanu ka  wada hadli doonaa  dawladda Ethiopia.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu mar kale ugu baaqay bulshada reer Buuhoodle inay yimaadaan gogosha nabada waxaanu yidhi,“”Waxaan jecelahay inaan mar kale ku celiyo oo aan ku  baaqo in Somaliland ay diyaar u tahay inaanay shacbigeeda marna dhibaato soo gaadhin ee ay diyaar u tahay gogoshii aanu waligayo fidinaynay ee aanu walaalahayaga gobolada Bari u fidinaynay aanu u fidino oo aanu wada hadal, wanaag iyo is-afgarad ku dhammayno wixii arrimo ah ee yimaadda nooc kastaba ha ahaadeene, taasina mid aanu ka hadhayno maaha kamana gaabinayno waana mid aanu mar walba diyaar u nahay.””

blankMadaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay in safarkoodu uu la xidhiidho wada-tashi ay  la soo yeelanayaan wadanka Ethiopia kaas oo uu ku sheegay inuu dhinacyo badan khuseeyo.

Sida la ogyahay waxa muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa dalka Ethiopia siyaasiga fidno-wadaha ah ee gobollada Bari ee Somaliland dabka ka holciyey, Cali Khaliif Galleydh, oo kulamo la yeeshay madaxda dalka Ethiopia kuwaas oo sida la sheegay ku cadaadinaya inuu ka laabto mawqifkiisa colaadda ka abuuray gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories