HomeMadaxweyne Siilaanyo oo laba Sanno ka dib Markii u horreysay Booqday Xafiiska...

Madaxweyne Siilaanyo oo laba Sanno ka dib Markii u horreysay Booqday Xafiiska Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Caasimada Hargaysa .

Madaxweynaha Waxaa ku qaabilay Xarunta Xisbiga Kulmiye Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ,Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbigaasi Mudane Maxamed Kaahin Axmed,Garabka haweenka ee Xisbigaas.

blank

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynaha uga mahadceliyay booqashadan uu ku yimid xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye balanqaaday inay kalsooni buuxda ku qabaan natiijo kasta oo ka soo baxda Komiishanka Doorashooyinka Qaranka,gaar ahaan ta Golayaasha Deegaanka ee ku mudaysan 28 bishan oo ah maalinta Arbacada.

blankIntaas kadib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa mahadcelin u soo jeediyay hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaasha Xisbul Xaakimka Kulmiye waxaanu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Xarunta Xisbiga oo uu mudo dheer xafiis u ahayd gaar ahaan xiligii uu Mucaaridka ahaa.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku guubaabiyay inay ilaaliyaan nabadgalyada iyo midnimada Qarankan isla markaana ay codkooda maalinta doorashada si nabadgalyo ah ku dhiibtaan. Isagoo si gaar ah uga dalbaday inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE si ay horumar u gaadhsiiyaan maamulka dawladaha Hoose ee dalka.

blankMadaxweynaha waxaa kormeerkan ku wehelinayay Marwada Madaxweynaha Aamina Sh,Maxamud Jirde,Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada,Kalluumaysiga,Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo Madax kale.

Waa Booqashaddii u horreysay ee Madaxweynuhu ku tago xaruntii xafiiskiisii hore, waxaanay ku soo beegantay laba maalmood ka hor xiliga ay dhacayso doorashadda Goleyaasha deegaanka oo noqonaysa doorashadii shanaad ee Somaliland ka dhacda, isla markaana ah doorashadii u horeysay laba sanadood iyo dheeraadkii ay xukuumadiisu xilka qaranka haysay.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories