HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Qaadacay Soo Jeedin Loola Tagay Oo...

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Qaadacay Soo Jeedin Loola Tagay Oo Ah In Golaha Guurtidu U Sameeyo Muddo Kordhin Labaad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Iyadoo muddooyinkan dambe ay isa soo tarayeen wararka sheegaya suurtogalnimada in muddo kordhin labaad loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici, ayaa warar soo baxayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo ganafka ku dhuftay soo jeedin muddo kordhineed oo loola tagay.

 

 

Siilaanyo

 

 

Warar uu Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay   helay ayaa sheegaya in odayaal kala duwan oo saamayn ku leh talada madaxtooyadu ay Madaxweyne Siilaanyo ula tageen soo jeedin ah in loo sameeyo muddo kordhin, iyagoo sheegay inay dhinacooda hayaan qodobada ay u cuskanayaan muddo kordhintaas.

 

 

Hase yeeshe sida uu warku sheegay Madaxweyne Silaanyo ayaa ku gacan saydhay soo jeedinta ay shakhsiyaadkaasi ula tageen, waxaanu u sheegay inaanu diyaar u ahayn in mar kale loo sameeyo muddo kordhin, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in doorashada madaxtooyada la qabto wakhtiga loogu tallo galay, balse xiisadda saami qaybsiga darteed dib loo dhigo doorashada golaha wakiilada.

 

 

Warku wuxuu sheegay in dhinacyadii madaxweynaha ula tagay soo jeedintani ay madaxweyne Siilaanyo kaga ambo-baxeen go’aanka uu u dhiibay oo uu u cuskaday dhawr qodob oo muhiim ah.

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawr goor si cad u balan qaaday inuu doorashada wakhtigeeda ku qaban doono, gaar ahaan doorashadii ku beegnayd 2015, balse taas ayaana dhicin, waxaana bedelkeed dhacday in golaha guurtidu muddo kordhin u sameeyeen.

 

 

Laakiin wixii ka dambeeyay muddo kordhintaas saddex munaasibadaas ayaa khudbad uu akhriyay wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku balan qaaday inaanay muddo kordhin labaad iman doonin.

 

 

Muddo kordhintaas hore ee loo sameeyay Madaxweyne Siilaanyo, waxa dalka ka soo gaadhay dakharo siyaasadeed oo isugu jira gudaha iyo dibadda, waxaana la ogyahay in dhaawacyadaas ay ka mid yihiin xafiisyo ay leeyihiin hay’ado caalami ah oo dimuqraadiyadda Somaliland taageera oo dalka iskaga guuray.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories