HomeMadaxweyne Siilaanyo oo la guddoonsiiyey Shahaadada Nabada iyo Iskaashiga dunida

Madaxweyne Siilaanyo oo la guddoonsiiyey Shahaadada Nabada iyo Iskaashiga dunida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wafti ka Socda Hay’adda Nabadda ee Dalka Yemen oo Madaxweyne Siilaanyo la kulmay..
blankHargaysa(somalilandpost)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sarre oo ka socday hay’adda nabadda iyo isdhex-galka bulshada ee dalka yemen, waftigani ayaa madaxweynaha Somaliland, uga yimid sidii wanaagsanayd ee ay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland usoo dhaweeyeen qaxoontigii ka yimi dalka yemen ee soo gaadhay Somaliland, waxaanay madxweynaha gudoonsiyeen shahaado sharaf ay ugu magac dareen shahaadada nabadda iyo horumarinta iskaashiga dunida.
Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed ayaa sheegay in waftigani si weyn ugu faraxsanyihiin qaabilaada wanaagsan ee ay kala kulmeen madaxwayne, Axmed Maxamed Silaanyo waxaanu yidhi “Waxay waftigani ugu yimaadeen Madaxweynaha inay uga mahad celiyaan sidii wanaagsanayd ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo dhawaysay qaxoontiga yemen ka soo bara-kacay, waxaanay madaxweynaha siiyeen shahaado sharaf la yidhaahdo shahaadada nabadda iyo soo dhawaynta, aad baanay ugu farxeen sidii wacnayd ee aynu u qaabilnay dadkaasi yemeniyiinta ah mudadii ay halkan joogeen, iyagoo ku tilmaamay in aanay dareemayn inay meel kale joogaan waxaanay u arkayeen dad dalkoodii oo kale jooga, taas ayay ugu yimaadeen madaxewynaha” ayuu yidhi safiirka Somaliland u fadhiya Yemen.
Dhinaca kale Guddomiyaha hay’adda Nabadda iyo horumarinta bulshada ee dalka Yemen ahna hogaamiyaha watay waftigani ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha JSL sida wanaagsan ee uu u soo dhaweeyay qaxoontigii tiradda badnaa ee ka soo jeeday dalkooda isagoo sheegay in ay Yemeni ay abaal weyn u hayso Somaliland waxaanu yidhi ““ Xaqiiqdii waxaannu madaxweynaha sharafta leh ugu mahad-naqnay sida wanaagsan ee lanoo marti sooray iyo qalbiga wanaagsan ee uu nagu qaabilay, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland daryeelka iyo sharafta aannu kala kulanay, taasina maaha wax ku cusub shacbiga Somaliland balse waxa jira xidhiidh dheer oo hore, kaas oo isku kaayo xidha, oo ah xidhiidh walaalnimo, xidhiidh jaar-nimo, iyo xidhiidhka qoys kaliya ayaa naga dhaxeeya annaga iyo Somaliland.
Waxaannu ka mahadnaqaynaa taageerada Xukuumadda Somaliland ay siiso jaaliyada Yemen, hadii aannu nahay hay’ada Jacaylka iyo nabadda bulshadda, waxaanu Jamhuuriyadda Somaliland u aragnaa dal nabad iyo jacayl ku dhisan, waxaanu Madaxweynaha sharafta leh, Allaah ha xafidee gudoonsiinay shahaadada nabadda iyo Jacaylka, taas oo salka ku haysa dadaalkiisa iyo go’aamadiisa bini-aadamnimo ee uu qaatay gaar ahaan dadka Yemaniyiinta ah. Markii ay dalal badani albaabadooda ay xidheen wakhtigii colaadii iyo dagaalkii Yemen ka dhacday, Somaliland waxa ay ahayd xudunta dalalkii na qaabilay, waxaanay ahayd dalkii koowaad, sida Jamhuuriyadda Jabuuti oo kale”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories