HomeMadaxweyne Siilaanyo oo la Ciiday Dufcaddii Saddexaad ee ka Qalin-jabisay Jaamacadda ALPHA...

Madaxweyne Siilaanyo oo la Ciiday Dufcaddii Saddexaad ee ka Qalin-jabisay Jaamacadda ALPHA (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

HARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo Hotel Maansoor loogu qabtay Dufcaddii Saddexaad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda ALPHA ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo shalay ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxa madaxweynaha ka sokow ka qayb-galay wasiirro xukuumadda ka tirsan, maamulka Jaamacadda, xildhilaanno, masuuliyiin ka tirsan xisbiyada Mucaaradka, Waalidiinta Ardayda Qalin-jabisay iyo marti-sharaf kale.

DSC_0155Guddoomiyaha Jaamacadda ALPHA University College Prof Cabdiraxmaan Maxamed Maal oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ka war-bixiyey muddadii ay ardaydu waxbarashada ku gudo-jireen, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo marreen iyo dedaal ay muujiyeen, waxaamu ku hanbalyeeyey guud ahaanba ardaydan ka qalin jabisay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda ALPHA waxa uu si gaar ah u tilmaamay inay maamul ahaan ka go’an tahay sidii ay u soo saari lahaayeen arday aqoontoodu dhisan tahay oo waddanka wax ugu qabta Cilmiga ay ku bartaan Jaamacadda.

DSC_0202Wasiirrada Waxbarashada iyo Arrimaha Gudaha oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey Qalin-jabinta ardayda Jaamacadda ALPHA, waxaanay ku dhiirri-geliyeen inay Aqoontooda iyo cilmiga ay barteen uga faa’ideeyaan dalkooda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda loo qabtay qalin-jabinta Ardayda jaamacada ALPHA, ayaa u hanbalyeeyey guud ahaanba ardaydaasi, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay aqoonta ay ardaydan, dalkooda u soo barteen, isaga oo xusay inay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin da’da yarta mutacalimiinta ah ee dalka wax u baratay.

DSC_0145Madaxweynaha Somaliland waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey laba ka mid ah ardayda ka qalin jabisay jaamacada, kuwaas oo ah arday naafo ah. Waxa kale oo uu madaxweynaha halkaas shahaadooyin iyo Abaalmarinno bilado ah oo jaamacaddu ugu talo-gashay ku guddoonsiiyey ardaydii ugu sarreysay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Ugu dambayntii, masuuliyiintii ka hadashay madashada Qalin-jabinta Jaamacadda ALPHA, waxa ay dhammaantood u hanbalyeeyey ardayda oo ay u rejeeyeen mustaqbal fiican.

DSC_0177 DSC_0207 DSC_0007 DSC_0028

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories