HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Kumanaan Shacabka Reer Hargeysa la oogay Salaadda Ciidul-Adxada iyo...

Madaxweyne Siilaanyo oo Kumanaan Shacabka Reer Hargeysa la oogay Salaadda Ciidul-Adxada iyo Jewigii Suuqa Hargeysa oo uu Lug ku dhexmaray

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa saaka la tukaday kumanaan ka mid ah shacbiga ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu kala qayb-qaatay Salaadda Ciidal Adxa oo uu kula tukaday Musjid-jaamaca weyn ee Hargeysa.

DSC_0167Madaxweynaha oo Salaada ka dib khudbad kooban  jeediyey, ayaa shacbiga ku Hambalyeeyey Munaasibada Ciidal Adxa, waxaanu  u rejeeyey guul iyo barwaaqo inay ku gaadhaan sannad sannadkiisa.

Md Siilaanyo waxa uu shacbiga Somaliland ku amaanay dhiirranaanta iyo feejignaanta ay qarankooda la barbar taagan yihiin, waxase uu ku boorriyey inay nabadgelyada ilaashadaan kuna dedaalaan inay meel uga soo wada-jeestaan cid kasta oo dibin-daabyo ku haysa qaranimadooda.

Jewigii Suuqa iyo Tamashlihii Siilaanyo

DSC_0472Khudbadda ka dib waxa uu madaxweynuhu lug ku soo dhex maray shacbigii uu la tukanayey ee ku sugnaa barxada hore ee masjidka, una soo gudbay ilaa uu soo gaadhay badhtamaha Suuqa, isaga oo shacbiga gacmaha u taagay kuna salaamayey Ciid Mubaarik, Ciid Mubaarik, Ciid Mubaarik.

Markii uu madaxweynuhu muddo soo dhex-lugeeyey Suuqa, waxa uu dhinaca Aqalka Madaxtooyada u soo raacay Baabuurkiisa, halkaas oo uu munaasibadaha noocan oo kale ah uu ku qaabilo bulshada qaybaheeda kala duwan

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mudaneyaal ka tirsan Laba Gole Baarlamaan, ayaa madaxweynaha ku wehelinayey Salaadda uu la oogay shacbiga magaalada Hargeysa.

DAAWO SAWIRRADA OO DHAMMAYSTIRAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories