HomeMadaxweyne Siilaanyo oo kulan xog-waraysi la sheegay Dalladd Ururrda aan Dawliga ahayn...

Madaxweyne Siilaanyo oo kulan xog-waraysi la sheegay Dalladd Ururrda aan Dawliga ahayn ee SONSAF

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SOMALILAND NON-STATE ACTORS FORUM (SONSAF), waxaanay madaxweynaha uga xogwarrameen ujeeddada loo aasaasay dalladdan iyo wax-qabadyada ay bulshada u qabato.

blankDalladdan oo metesha dhammaan qaybaha kala duwan sida madax-dhaqameedka, Culimo-awdiinka, Xirfadlayaasha sida Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Ururrada bulshada Rayidka ah, waxa kulanka ay madaxweynaha la yeesheen hor-kacayay guddoomiyaha Ururkaas Mr. Aadan Xaaji Cali Axmed oo ugu horreyn xog-gudbin kooban siiyey madaxweynaha.

Guddoomiyuhu waxa uu u ballan-qaaday madaxweynaha inay wada-shaqayn iyo wax-qabad ku taageeri doonaan xukumaddiisa iyo sidoo kale bulshada.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, dalladda SONSAF waxay ay madaxweynaha u gudbiyeen nuqul ka mid ah xeer Ururkooda, warbixin ku saabsan daraasad laga sameeyey doorashooyinkii dalka ka dhacay tobankii sanno ee u dambeeyey iyo sidoo kale warbixin ku saabsan kormeerayaashii maxaliga ahaa ee kor-joogaha ka ahaa doorashooyinkii Madaxtooyada ee sannadkii tagay.

blankSida warsaxaafadeedka lagu sheegay, madaxweynuhu waxa uu dhinaciisa u sheegay inay ururrada bulshadu door muhiim ah ku leeyihiin wax-qabadyada iyo horumarka dalka, oo ku weliba ku dhiirigeliyey inay mar kasta ilaaliyaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland maadaama go’aanka qaranku ku heshiiyey yahay mid lama taabtaan ah, oo ay jiraanna cadow fara badan oo liddi ku ah jiritaanka iyo horumarka Somaliland.

Ugu dambeyn, waxa uu madaxweynuhu soo dhaweyey Ururka SONSAF isaga oo u ballan qaaday inay wada shaqayn joogto ah yeelan doonaan, wixii taageero ah ee ay xukuumad ahaan uga baahdaan uu la garab taagan yahay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories