HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Kulan la qaatay Dhalinyaro Tartan-sugaaneed Wacyi-gelin ah ka Qayb-galay

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan la qaatay Dhalinyaro Tartan-sugaaneed Wacyi-gelin ah ka Qayb-galay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-  Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa caawa la kulmay xubno ka mi ah dhalinyarada Hal-abuurka ee dalka oo todobaadkan magaalada Hargeysa loogu soo gebo-gabeeyey tartan-suugaaneed dhiirri-gelinta dhalinyarada ah isla markaana lagaga wacyi-gelinayay dhibaatada tahriibta.

Dhalinyarada tartan suugaaneedkan ka qayb-qaadatay oo isaga kala timi gobollada dalka oo madaxweynuhu caawa ku qaabilay Qasriga madaxtooyada, waxa hor-kacayay guddoomiyaha Ururka SODRA oo tartan-suugaaneedkan soo qaban-qaabiyey Axmed Shaqalle iyo Guddoomiye ku-xigeenka ururkaas Nada Yuusuf Cumar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu faahfaahiyey kulanka madaxweynuhu la qaatay Dhalinyarada.

IMG_1073Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu u qornaa sidan: “Ururka Horumarinta iyo Daraasaadka Somaliland ee loo soo gaabiyo SODRA ayaa dhalinyarada Hal abuurada ah ee ka socda Gobolada dalka u qabtay kulan balaadhan, oo runtii ahaa mid muhiimadiisa koowaad ahayd dhiirigelinta da’a yarta dalka, iyada oo ay hogaaminayeen dhalinyaradaasi la kulantay madaxweynaha Gudoomiyaha Ururka SODRA Axmed Shaqale iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Nada Yuusuf Cumar, ayaa qaar ka mid ah dhalinyaradaasi hal abuurka ahi waxay madaxweynaha hortiisa ku soo bandhigeen kana akhriyeen Gabayo iyo Suugaan ay ku cabirayeen halka ay ka taagan yihiin dhibaatada tahriibta iyaga oo madaxweynaha ku amaanay sida uu marwalba u barbartaagan yahay dhalinyarada wakhti walba iyo goor kastana ugu furan yihiin albaabada xafiiskiisu.

Madaxweynaha oo isna dhalinyaradaasi ku hambalyeeyey sida xilkasnimada leh ee ay isaga xil saareen inay u caqli celiyaan kuwa naftooda biimeeyey ee u banbaxay tahriibta iyo inay u badheedhaan badaha, ayaa ku amaanay da’a yartaasi sida xigmada leh ee ay gabayada iyo suugaanta ugu cabireen dareenkooda, isaga oo madaxweynuhu gudanaaya waajibaadkiisa qaran ee dhiirigelinta da’a yarta dalka waxa uu xafiiskiisa si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey dhalintaasi.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu da’a yartaasi kula dardaarmay in aanay ka daalin wacyigelinta iyo kulanada noocan oo kale ah, una joogteeyaan si ay kuwo badan oo ka mid ah dhalinyaradu wax ugu qaataan. Sidoo kale waxa dhaliyaradaasi kulan qado sharaf ah hotel Maansoor ugu sameeyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories