HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Kulan Balaadhan la Qaatay Maamulka iyo Ardayda Jaamacadaha Caasimadda...

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan Balaadhan la Qaatay Maamulka iyo Ardayda Jaamacadaha Caasimadda iyo Nuxurka Khudbad uu ka Jeediyey Madasha Kulanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta arday ka kala socday illaa shan jaamacadood oo ku yaala magaaladda Hargeysa.

Kulankaasi oo ahaa mid xog waraysi ah oo ay ardaydu la yeelatay madaxweynaha iyo xubno ka mida xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibeda, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Dhalinyarada cayaaraha iyo Dalxiiska, Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo masuuliyiin badan oo kale.

Waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyey Gudoomiyeyaasha Jaaamcadaha iyo Ardayda Jaamacadaha kala duwan oo ay u hadlayeen  Hargeysa University, Admas University, Golis University, Alfa University iyo New Generation University.

Sidoo kale waxa halkaasi Hadal aad u qiimo badan oo dheer ka soo jeedisay Niciima Cabdiraxmaan Galeexi oo ah Gudidii Jaamadaha kala duwan madaxweynahana gudoonsiisay Shahaado Sharaf ay Ardaydu ugu tallo gashay Madaxwaynaha.

Madaxweyne Siilaanyo oo halkaa khudbad dheer ka jeediyey, ayaa sheegay in beesha caalamka qaarkood ay doonayaan inay isku soo celiyaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxase uu tilmaamay in ummaddani ay go’aansatay inay madax-banaanidooda la soo noqdaan.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in shacbiga Somaliland u midoobeen inay difaacaan qadiyadooda isla markaana ay si weyn u xusaan munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qeyb galo kulankaasi, waxaanu majeertay doorka dhalinyaradu ugu jirto dalka, waxaanu yidhi “Waxa farxad aad iyo aad u weyn ii ah inaan ka soo qeyb galo xafladan qiimaha iyo qaayaha leh ee ay ardaydii jaamacadaha dalku iskugu yimaadeen ee sida sharafta iyo qiimaha leh la noogu marti-qaaday. Waxaanu aad ugu faraxsan nahay oo ku faanaynaa dhalinyarada jaamacadaha, macalimiintooda iyo maamulkooda. Waxaanu u aragnaa inay dhalinyarada jaamacaduhu yihiin mustaqbalkii dalka.”

“Dhalinyaradu waa kuwii dalka xoreeyay, waa kuwii wax ka dhigay dalka, waana kuwii u halgamay. Inshaalaahu Tacaalaa inta hadhayna waa kuwa mustaqbalka xoriyadiisa keeni doona. Waa kuwa horumarkiisa keeni doona, waana kuwa madax-banaanidiisa daafici doona. Waana kuwa mustaqabalka ummadda hoggaamin doona inshaalaahu Tacaalaa,”ayuu sheegay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 “Waxaynu u dabaal-degaynaa 22-guuradii ka soo wareegtay la soo noqoashada madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May. Halgan aad u dheer oo ay ku baxeen naf iyo maalba ayaynu u soo hurnay si aynu dalkeena u xorayno. Illaa imika ictiraafkii aynu dunida ka rabnay maynu helin, laakiin dunidu way inala dhaqantaa oo way inala macaamishaa waxay inoo aragtaa qaran cagihiisa isku taagay. Dhibaatooyin kale oo aqoonsiga inaga hor taagan oo walaalaheena Soomaaliya ay sabab u yihiina way jirtaa, iyadoo dunidu indho kale wax ku eegayso. Balse waxay ku xidhan tahay ka midho dhalinta mustaqbalkeena iyo madax-banaanideena sida aynu iskugu xidhnaano, sidaynu u dagaal galno iyo sidaynu dalkeena u difaacano iyo sida aynu midnimadeena u muujino ayay ku xidhan tahay.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dhalinyarada jaamacadaha iyo bulsho weynta Somaliland-ba ay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta dalka iyo difaaca qadiyadiisa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ardayda Jaamacadaha uga xog-waramay socdaaladii kala duwanaa ee dhawaan uu ku soo maray dalalka Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, waxaanu tilmaamay in dhammaantood socdaaladaasi ay caalamka u bandhigayeen madax-banaanida Somaliland iyo sidii loo iib geyn lahaa qadiyadda Somaliland.

“Waxaas oo socdaalka waxaanu u galaynay inaanu iib-geyno oo qadiyadeena gaadhsiino caalamka.dunida qaar badan baa inagu riixaysa oo doonaysa sidii ay iskugu noqon lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya.umaddanise halganka ay u soo mareen way ogtahay waxay ku tashatay oo goosatay inay la soo noqoto xoriyadeeda iyo madax-banaanideeda. Waxase ay ku xidhan tahay sida ay dhalinyaradeena iyo bulshadeenu iskugu xidhnaato si ay u noqoto qadiyad loo mideebo oo meel looga soo wada jeedsado,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku ladhay “Waxaan 100% ku kalsoonahay in halgankaasi uu noqdo mid aan meel uga soo wada jeedno dhammaanteen, 22-guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada madax-banaanideena ayaa loo dabaal degayaa, waynu u soo wada bixi doonaa, dalka oo qudha looga dabaal degi maayo dhulka dadkeenu degan yahay oo dhan baa looga dabaal-degayaa wufuud badan baa ku maqan inay hawshaasi wax ka fuliso oo ay bulshada horkacdo oo ay hormuud ka noqoto.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories