HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ku Gooddiyey inuu tallaabo ka Qaadi doono haddii Caddeymo...

Madaxweyne Siilaanyo oo ku Gooddiyey inuu tallaabo ka Qaadi doono haddii Caddeymo loo helo in Xubno Golihiisa Wasiirrada ka tirsani ka dambeeyeen Khilaafkii Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

madaxweyne siilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ballan-qaaday inuu tallaabo ka qaadi doono haddii ay soo baxaan caddeymo muujinaya in xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirradu ay ku lug lahaayeen kala-qaybsanaantii ka soo if-baxday Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha saddexaad ee Xusbiga Kulmiye.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu daboolka ka qaaday inaanu jirin murashax gaar ah oo shakhsi ahaan uu ku taageerayo hanashada hoggaanka Xisbiga Kulmiye, isaga oo intaas raaciyey inaanay jirin cid ilaa imika u soo ban-baxday murashaxnimada hoggaanka Kulmiye.

Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay Kulan maanta Qasriga madaxtooyada ku dhexmaray isaga iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, kaas ku saabsanaa turxaan bixinta iyo xal-u-helidda khilaafka lagu ibo-furay shirweynaha Xisbigaas ee ka soo if-baxay kala-qaybsanaan ka dhex dhalatay guddida Qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga oo todobaadkii hore qayb ka mid ahi kulan ay isugu yimaaddeen ku doorteen hoggaan cusub, waxaana tallaabadaasi si adag u cambaareeyey hoggaanka xisbiga oo tallaabadaas ku sifeeyey mid ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan golaha Wasiirrada xukuumadda oo lagu tuhunsan yahay inay af-duubeen 15 ka mid ah 27-ka xubnood ee guddida Qaban-qaabada Shirweynaha.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xisbiga Kulmiye, ayaa lagu sheegay in doodo iyo falaqayn laga jeediyey kulankaas ka dib, uu madaxweynuhu halkaas ka caddeeyey in aanay jirin cid gaar ah uu shakhsi ahaan la rabo hanashada hoggaanka xisbiga Kulmiye. “Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliyey in guddiga qabanqaabadu kala qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories