HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ku gacan-saydhay Go’aan Qarda-jeex ah oo Guddoomiyaha Guurtidu u...

Madaxweyne Siilaanyo oo ku gacan-saydhay Go’aan Qarda-jeex ah oo Guddoomiyaha Guurtidu u gudbiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo Rag ku Eedaysan inay ku lug lahaayeen Fashilaaddii Doorashadii Goleyaasha Deegaanka u magacaabay Labada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka iyo Jawaabta Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa caawa gondaha isku-daray Kulan gar-naqsi ah oo ku yimi tabasho ka dhalatay Qoraallo sharci balse isku liddi ah oo labada masuul maanta gelinkii hore is-weydaarsadeen.

Siilaanyo-Iyo-Saleebaan-GaalGuddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey magacyada laba xubnood ee Golaha Guurtidu sharciga u leyihiin magacaabista Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee muddo-xileedkoodu gebo-gabada yahay, isaga oo mar labaad dib u magacaabay labadii xubnood ee golaha guurtidu u magacaabeen oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka ee wakhtigan xilka sii haya.

Arrintan, ayaa dhalisay in madaxweyne Siilaanyo ka biyo-diido in xubnahan oo loo tirinayo inay qayb ka ahaayeen fashilkii ku yimi doorashadii Goleyaasha deegaanka ay mar labaad ku soo laabtaan guddiga, waxaanu madaxweynuhu maanta gelinkii hore u gudbiyey Guddoomiye Saleebaan qoraal uu ku war-gelinayo inay Guurti ahaan soo beddelaan xubnaha uu soo magacaabay.

Sida ay Somalilandpost.net u xaqiijiyeen ila-wareedyo dusha kala socday dhaq-dhaqaaqa qoraallada sharci ee dhexmaray labada masuul, guddoomiye Saleebaan, ayaa la sheegay inuu ka biyo-diiday Jawaab-celinta Madaxweynaha, waxaanu Caawa ugu tagay madaxweynaha Qasriga madaxtooyada halkaas oo kulan gondaha laysku daray ku dhexmaray labada masuul ee ugu sarreeya heerka kala sareynta dawladnimo ee dalka.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xaqiijiyeen waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku dooday in aanay xubnaha guddiga Doorashooyinka ka mid noqon doonin xubnihii hore ee wakhtigoodu sii dhammaanayo, isaga oo taas sabab uga dhigay inay ku fashilmeen doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee dalka qabsoontay daba-yaaqada sannadkii 2012-dii, taas oo khilaaf, khal-khal iyo isku-dhacyo dhiig ku daatay ka abuurtay dalka.

Kulanka caawa dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha Guurtida oo ay ku wehelinayeen wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi,  haseyeeshee  ilo-wareedyada aanu warka ka soo xigannay noo may xaqiijiyin natiijada uu soo gebo-gaboobay iyo go’aanka ay labada masuul ee ugu sarreeya Dawladda Somaliland isla qaateen.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo tiradoodu tahay Todoba Xubnood, waxa sharciga dalku jidaynayaa inay soo kala magacaabaan Golaha Guurtida oo laba xubnood ka soo dhex-magacaaba bulshada Rayidka ah, Xisbiyada Mucaaradka oo iyaguna labada xubnood soo magacaaba halka saddexda xubnood ee kale uu soo xulo madaxweynuhu.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories