HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Kormeerkii kedis ah ku booqday Meelaha Bulshadu isugu timaaddo...

Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeerkii kedis ah ku booqday Meelaha Bulshadu isugu timaaddo + Qosolkii Madaxweynaha, Salaadiinta iyo Wasiirrada + SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta gelinkii dambe kormeer kedis ku gala-bixiyey qaar ka mid ah goobaha bulshadu isugu timaaddo ee magaalada Hargeysa.

Kormeerka madaxweynaha oo qaatay Xilli-ku beegan wakhti yar ka hor Salaaddii Makhrib ilaa Fiidnimadii waxa uu ugu horreyn booqday Hotel Kaah oo ku yaala cidhifka Bari ee magaalada Hargeysa halkaas oo uu kula tukaday Salaaddii Makhrib. Inta ka dib waxa uu madaxweynuhu soo dhex maray Suuq-weynaha caasimadda Hargeysa oo uu uga sii gudbay Star Hotel oo uu Adeegsi ka samaystay, Waxa kale oo uu madaxweynuhu soo maray Edna Super Market oo ku yaala agagaarka Cusbitalka ay dhistay Drs Edna Aadan Ismaaciil.

Madaxweynuhu oo kormeerkiisa ka bilaabay goob Carruurta lagu ciyaarsiiyo, waxa uu ku xigsiiyey Hotelka KAAH oo Kormeerkiisu kedis ku noqday laba ka mid ah wasiirradiisa (Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Kalluumaysiga) iyo xubno Salaadiin ah oo goobtaas ku kulansanaa, halkaas oo madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo jawigiisa ay farxad dheeraad ahi ka muuqatay, waxa uu qosol-farxadeed, Kaftan iyo sheeko la wadaagay Salaadiintii iyo labadii Masuul ee uu goobta ugu tagay.

Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland uu soo maray Dukaanka weyn ee Edna Cosmatics ee ku yaala degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa. Ka dibna waxa uu ku soo laabtay xurunta madaxtooyada Somaliland.

Kormeerkani waxa uu salka ku hayaa qiimayn uu Madaxweynuhu ku samaynayo ammaanka magaalada Caasimadda Hargeysa. Waana markii saddexaad ee Madaxweynuhu sameeyo kormeer noocan oo kale ah.

Madaxweynaha waxa kormeerkiisan ku weheliyay Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, hase yeeshee markii uu Madaxweynuhu tagay Huteelka Kaah waxa ka soo raaacay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) iyo Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire).

Kormeerkan Madaxweynaha ayaa ah kii labaad tan iyo intii la doortay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu kormeerkiisaas hore ku gaalaa bixiyey qaybo ka tirsan Suuq-weynaha Gobonimo ilaa suuqa Xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa.

Daawo Sawirrada

Kormeerka Madaxweynaha (2)Kormeerka Madaxweynaha (3)Kormeerka Madaxweynaha (5)Kormeerka Madaxweynaha (8)Kormeerka Madaxweynaha (10)Kormeerka Madaxweynaha (13)Kormeerka Madaxweynaha (14)Kormeerka Madaxweynaha (1)Kormeerka Madaxweynaha (4)Kormeerka Madaxweynaha (17)Kormeerka Madaxweynaha (7)Kormeerka Madaxweynaha (12)Kormeerka Madaxweynaha (22)Kormeerka Madaxweynaha (26)Kormeerka Madaxweynaha (27)Kormeerka MadaxweynahaKormeerka Madaxweynaha (23)Kormeerka Madaxweynaha (7)

Somalilandpost.net

Somalilandpost@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories