HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Kormeer uu ku maray Haamaha Shidaalka ku sagootiyey Reer...

Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer uu ku maray Haamaha Shidaalka ku sagootiyey Reer Berbera, Caasimaddana dib ugu soo laabtay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Silaanyo oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Berbera, ayaa maanta kormeer ku maray haamaha shidaalka Berbera, ka hor intii aanu u soo anba-bixin dhinaca magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka.

Madaxweynaha waxa xarunt aHaamaha keydka Shidaalka ku qaabilay Maareeye Saleebaan Siciid aw-Cali oo madaxweynaha sharraxaad ka siiyey mashaariic bil ka hor Md Siilaanyo dhagax-dhigay oo hawshoodu socoto, kaas oo ah Laab ama shaybaadh Casri ah oo loogu talo-galay in lagu hubiyo tayada shidaalka la keeno dalka, waxaanu maareeyuhu halkaas ka sheegay inay mashruucan la kaashadeen shirkado ka shaqeeya waddamada Kenya iyo Djibouti.

DSC_0125Madaxweyne Siilanayo oo isagun halkaas ka hadlay, ayaa maamulka maamulka Haamaha Shidaalka ku hambaleeyey hawlaha ay u xil-saaran yihiin, waxaanu boorriyey inay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Kormeerka Haamaha Shidaalka kaddib, waxa uu madaxweynaha iyo weftigiisa u soo amba-baxeen dhinaca magaalada Hargeysa oo ay soo gaadheen galabta, waxaana jidadka caasimadda ku soo dhaweeyey dadweyne tiro-badan.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan wefti wasiirro ah, ayaa saddex maalmood ka hor garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka raacay diyaarad gaar ah oo ay ku tageen magaalada Berbera, waxaanu madaxweynuhu intii uu joogay caasimadda gobolka Saaxil xadhigga ka jiray mashaariic laga hirgeliyey Garoonka Diyaaraha Berbera, waddooyin laami ah oo Dawladda Hoose Dhistay, isaga oo dhagax-dhigay Xarun wasaaradda deegaanku ku yeelan doonto magaalada Berbera. Madaxweynuhu waxa kale oo uu kormeer ku maray dib-u-dhis iyo ballaadhin ka socota dekedda Berbera.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories