HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Kormeer Aan La Sii shaacin ku Maray Xarumo Dawladeed...

Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer Aan La Sii shaacin ku Maray Xarumo Dawladeed iyo Milicsiga Kormeerradiisii u dambeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta subaxnimadii kormeer kedis ah ku maray qaar ka tirsan xarumaha hay’adaha Dawladda, kuwaas oo ay ka mid yahiin Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Madaarka Caasimada Hargeysa, Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa iyo Cisbitaalka Carruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.

IMG_0284 IMG_0180 IMG_0168 cukuseMadaxweynaha oo kormeerkiisa ugu kuur-galaayey hanaanka shaqo, shaqaale iyo Caafimaad ee hay’adahaas, waxa uu warbixino ka dhegaystay mas’uuliyiinta kala duwan, waxana kormeerkiisa ku weheliyey xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Goleyaasha Barlaamanka.

Intii uu Madaxweynahu kormeerka ku joogay Xarunta wasaaradda warfaafinta, waxa uu mid mid u galay xafiisyada waaxaha wasaaradaasi waxaanu warbixinno kooban ka dhegaystay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafiinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Agaasimaha guud Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Maareeyaha TV-ga Qaranka Md Khadar Xasan Cali Gaas iyo Agaasimayaasha waaxyaha kale ee wasaaraddu ka kooban tahay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale kormeerkiisa ku tagay Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay wakhtigan ka socoto dayactir sannadkii ugu dambeeyey lagu sameynayey, kaas oo wakhtigan gebo-gabo ku dhow.

IMG_0420 IMG_0410 IMG_0499 IMG_0431Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale kormeerkiisa kediska ah kaga dhex-toosay Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo uu kula kulmay Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, Waxaanu madaxweynuhu halkaas warbixin kaga dhegaystay maayarka Caasimadda Md Cabdiraxmaan oo muddo laba bilood ah hayey xilka maayarnimada Caasimadda.

Kormeerka madaxweyne Siilaanyo ku tagay Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa noqonaya markii labaad intii uu talada dalka hayey ee uu indho-indhayn ugu tago hawl-maalmeedka ay Golaha deegaanku u hayaan Shacbi, waxaanu kormeerkiisii ugu dambeeyey ku tagay Dawladda Hoose 2-dii August, 2012 wakhtigaas oo uu Xilka Maayarnimada Caasimadda uu hayey Guddoomiyihii hore ee Golihii deegaanka xilkoodu dhammaaday Eng Xuseen Maxamuud Jiciir.

IMG_0370 IMG_0354 IMG_0294 IMG_0372Sidoo kale, Waa markii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo Kormeer hawleed ku maro Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, waxaanu markii u horreysay kormeer sidan oo kale ah oo uu ku maray Wasaarado dhowr ah oo Xukuumaddiisa ka tirsan, ku tagay Xarunta Warfaafinta 2-dii September, 2011 wakhtigaas oo uu kormeerkiisaas Xog-waraysi kaga dhegaystay Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo wakhtigas ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.

Kormeerka Madaxweynaha oo ahaa mid aanay ka war hayn Bulshada iyo Hay’adaha kala Duwan ee DalkA,  waxa ku wehelinayey WasiiruL Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha MdCali Axmed Cali, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gen Faysal Kaamil Ciise iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdiaahi Fadal Imaan,

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories