HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Ka Warbixiyey Natiijada Socdaallo Wefti uu hoggaaminayaa Dhowr Waddan...

Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Warbixiyey Natiijada Socdaallo Wefti uu hoggaaminayaa Dhowr Waddan ku tageen (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland ka dib markii uu socdaal qaatay muddo todobaadyo ah uu ugu maqnaa dalalka Itoobiya, Maraykanka Iyo Ingiriiska.

IMG_0297Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii oo maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal Internatiol Airport Hargeysa, waxa madaarka si balaadhan ugu soo dhaweeyay madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Saylici), shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiiladda) , Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, iyo dadweyne tiro badan.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay saxaafadda ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ku maqnayn dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya. Muddo dheer ayaanu dalka ka maqnayn. Safarkayaguna wuxuu ku saabsanaa danaha qaranka Somaliland iyo qadiyadiisa, meeshii aanu joognayba waxaanu difaacaynay ama ka dhaadhicinaynay qadiyadeena oo dunida fahamsiinaynay. Waxaanu mar walba u sharxaynay waxa ay qaranimada Somaliland ku fadhido iyo dariiqa dheer ee loo soo maray iyo himilooyinka ay ummaddu leedahay.”

“Dalalka aanu tagnay oo dhan waxaanu kala kulanay soo dhawayn iyo in si aad ah naloo dhegaysto. Waxaanu kala kulanay dad badan oo aad u danaynaya inay Somaliland maal-gashadaan ama ay yimaadaan oo wax la qabsadaan. Taasina waxay noo ahayd guul weyn oo dalkeena iyo ummadeena u soo hoyatay,”ayuu yidhi Mudane Axmed Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay dunidu illaa imika ku dhiiran inay aqoonsato Somaliland, hase yeeshee ay dunidu Somaliland ula macaamisho sidii qaran madax banaan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dabcan duniddu illaa imika kumay dhiiran, kumanay talaabsan inay Ictiraaf buuxa inoo fidiso, laakiin dunidu way inala dhaqantaa, way inala macaamishaa. Waa taas ina marti-qaadaysa. Waa taas la ina dhegaysanayo, waana taas oo aynu kagala sii dhawaano oo aynu isku xidhnaano oo midnimadeena muujina oo innagoo mid ah dalkeena iyo nabad-gelyadiisa dhisana iyadoo nabad-gelyadu ah waxa ay dunidu mandaqadan aad u qiimayso ah.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo tafaasiil ka bixiyay kulamadii kala duwanaa ee ay ku soo yeesheen dalalka maraykanka, Ingiriiska iyo Itoobiya.

Wasiirku waxa uu sheegay inay dalka Maraykanka kula kulmeen ku xigeenka arrimaha dibadda, saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca iyo ganacsato kala duwan oo danaynayay inay maalgashi iyo ganacsi ka abuuraan Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories