HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Sameeyay Sannad-guurada 2-aad Ee Hirgelinta...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Sameeyay Sannad-guurada 2-aad Ee Hirgelinta Idaacadda Qur’aanka Kariimka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (Slpost)-  Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad loo qabtay sannad guurada labaad ee ka soo wareegtay asaaskii Idaacadda qur’aanka kariimka ah ee Wasaaradda warfaafinta iyo gabagabaynta tafsiirka Quraanka kariimka ah.

Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta Wasaarada warfaafinta waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, Wasiirka warafaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, culimada dalka iyo shaqaalaha Wasaaraddaasi.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inay farxad u tahay ka soo qaybgalka sanadd guurada labaad ee Idaacadda qur’aanka kariimka “Waxaa farxad inoo ah in Idaacaddii FM-ta ahayd ee qur’aanka kariimka ay laba jirsatay, Idaacaddaas oo shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ay u riyaaqeen kana faa’idaysteen, waxa maanta (shalay) dhaamaday tafsiirkii qur’aanka kariimka ee ka socday Idaacada qur’aanka oo Sheekhii marinayay iyo intii la socotayba ILLAAHAY ajarkeeda ha siiyo, ILLAAHAY baanu uga mahad naqaynaa nimcadaas. Waxaan mahadnaq gaar ah u gudbinayaa madaxda iyo masuuliyiinta Wasaaradda warfaafinta ee arrintan muhiimka ah hirgeliyay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga ugu baaqay inay ka faa’idaystaan kharyka bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanu yidhi “Khamiista waxa inoo bilaabmaysa bishii barkaysnayd ee Ramadaan, shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaanba waxaan u dirayaa hambalyo, waxaanan ku guubaabinayaa in waajibka ILAAHAY ina saaray sidiisa u gutaan, waxaan ku baraarujinayaa inay ilaashadaan cibaadadooda, nabadgelyadooda iyo midnimadoodda oo ay ka fogaaadaan wixii ILLAAHAY inaga reebay iyo wax kasta oo shaydaanku jecelyahayba, aad baanad u mahadsantihiin.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sharaxay barnaamijyada diiniga ah ee ka baxa qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Wasaaraddu, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wasaaradda warfaafintu waa halka ugu badan ee ay culimadu ka shaqayso, waxa shaqaalaha wasaaradda ka mid ah 20 Sheekh oo barnaamijyo ka sii daaya Idaacadda qur’aanka, Idaacadda Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka, Idaacadda qur’aanku waxay gaar u tahay qur’aanka kariimka iyo tafsiirka, laakiin Radio Hargeysa waxa ka baxa oo laga dhagaystaa barnaamijyo diini ah oo badan oo Tafsiir leh, Siirooyin kale leh, oo dhamaantood culuunta diinta ku taxaluuqa, sidoo kale TV-ga qaranka  ayay ka baxaan barnaamijyadaasi intaa in leeg oo dhamaantood aad wada dhagaystaan. Markaa anagu halkana Wasaaradda warfaafinta qaybta dhaqanka waxa ka hawlgala boqol fanaan, fafaantii dhaqankaa ka hawlgasha, waxa ka hawlgala 600 oo shaqaale ah oo wariyeyaal iyo farsamo yaqaano iskugu jira.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Wasiir Cukuse waxa kale oo uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay masuuliyad iska saari doonaan sidii bisha barakaysan ee Ramadaan ay bulshada ugu soo gudbin lahaayeen barnaamijyo diini ah “Wasaaraddu waa wasaarad balaadhan mudane Madaxweyne, waxaanu isku dayaynaa 30-ka bisha Ramadaan kaalinta ay Wasaaradda warfaafintu ugu jirto Ummadda ay muuqan doonto oo barnaamijyo diini ah oo wacyigelin ah, barnaamijiyo nabaddgelyada ka hadlaya, barnaamijyo waddanoolaashaha iyo degenaashiyaha ka hadlaya, barnaamijiyo kala dambaynta ka hadlaya iyo barnaamijiyo tixgelinta sharciga ka hadlaya in aynu ku soo bandhigi doona. Madaxda barnaamijyada Idaacaddaha, TV-ga iyo Wargeysyaduna laba biloodba wey ka shaqaynayeen waanay dhantahayba.”

Sidoo kale Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland  Sheekh Khaliil Cabdilaahi  Axmed oo halkaasi ka hadlay, waxa u yidhi “ILAAHAY baynu ku mahadinaynaa inuu inaga soo qaybgeliyay farxada munaasibada sanadd guurada labaad ee Idaacadda qur’aanka kariimka ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaayo ILAAHAY waafajiyay inuu SWT u bilaabo qarankan iyo dalkan waxa diintooda, Imaankooda iyo dadnimadooda u kordhiya  oo adduun iyo aakhiraba ka yeela dad ILAAHAY SWT ku xidhan. Ajar iyo xasanaad ayay ka helayaan cid kasta oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu iyo cid kasta oo ka caawisay oo ay ugu horayso Wasaaradda warfaafintu oo baahinaysa oo ajarka ay wada leeyihiin Wasiirka, Wasiir ku xigeenka,  Agaasimayaasha iyo ilaa qofka waashmaanka ah ee banaanka taagan ee Idaacaddaas horseedka u ah diinteena noqonaysa ka ilaalinaya, intuba ajarka wey wadaleeyihiin ilaa Madaxweynaha.”

Dhinaca kale maamulaha Idaacadda qur’aanka kariimka ah Sheekh Maxamed Axmed Shabeel iyo Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culimadda Somaliland ayaa waramay muhiimada ay bulshada u leeyihiin qur’aanka iyo axaadiista ka baxa Idaacaddan.

Gabagabadii masuuliyiinta Wasaaradda warfaafinta ayaa Madaxweynaha halkaasi ku gudoonsiiyay shahaado sharaf, halka Madaxweynuhuna Wasiirka warfaafinta iyo masuuliyiinta kale guddoonsiyay shahaado sharaf.

Somalilandpost.net 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories