HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka qayb-galka Shirka London talo-wadaag kala yeeshay Xildhibaannada labada...

Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb-galka Shirka London talo-wadaag kala yeeshay Xildhibaannada labada Gole, madax-dhaqameedka, Ururrada Arrimaha Bulshada iyo Ururrada siyaasadda (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 04 Feb 2012, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulamo gooni-gooni ah Qasriga madaxtooyada kula yeeshay Goleyaasha Baarlamanka, Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka, Ururrada Arrimaha Bulshada iyo Ururrada Siyaaasadda Somaliland si uu uga talo galiyo ka-qayb galka Shirka London ee Soomaalida iyo doorka Somaliland uga bannaan.

blank
Kulanka Madaxweynaha iyo Salaadiinta

In kasta oo aan saxaafadda loo ogolayn kulamadan, haddana waxa natiijada kulamadaas la iskula qaatay inay Somaliland ka qayb-gasho shirkaas isla markaana ay xukuumadda ku taageerayaan tallaabo kasta oo danta Somaliland ku jirto.

Madax-dhaqameedka kulanka la yeeshay madaxweynaha oo ka dib markii uu dhammaaday kulankoodu warbaahinta u warramay ayaa sheegay inay isla af-garteen in laga qayb-galo shirka London. Salaadiintu waxa ay madaxweynaha ku ammaaneen inuu ka talo-galiyo go’aan qaadashada masiirka umadda gaar ahaan ka-qayb-galka shirka dawlada Ingiriisku kooxaha Soomalida ugu qabanayso London, waxayna tilmaameen inay haboon tahay in Somaliland shirkaasi ka qayb-gasho.

blank
Kulanka Madaxweynaha iyo Ururrada Siyaasadda
blank
Kulanka Madaxweynaha iyo Ururrada Siyaasadda

Suldaan Axmed Daahir  oo ugu shirkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad naqay Madaxweynaha Somaliland iyo Golihiisa wasiirada oo uu uga mahad celiyay sida ay uga aqbaleen talooyin badan oo ay u jeediyeen “Waxaanu ka soo baxnay shir aanu la yeelanay  madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro oo aanu ka wada hadalnay  go’aanka ay gaaadheen ee in laga qayb galo shirka London lagu qabanayo oo lagu soo casuumay dawlado badan oo ay ka mid tahay Somaliland, kaasoo aanu  hore  anagu hadii aanu nahay Golaha Salaadiinta si gaar ah u falan qaynay, ka dibna waxaanu isla garanay inay maanta haboontahay in laga qayb galo”ayuu yidhi Suldaanku waxaanu intaa ku daray “Nasiib wanaag madaxweynaha iyo dawladu waxay go’aamiyeen , oo ay naga talo geliyeen in lala qaato go’aanka ay soo jeediyeen oo  shirkaasi si mug leh looga qayb galo, anaguna anagoo ka wakiil ah umadda Jamhuuriyada Somaliland waxaanu ku taageernay in laga qayb galo shirkaasoo  maanta waxa inoo diidayaa  jirin, waayo oo dawlad isku dheeli tiran ayaynu”

blank
Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibaannada labada Gole

Suldaan Axmed Daahir waxa kale oo uu soo qaaday “Markaa Madaxweynaha iyo dawlada waanu ku taageersanahay in laga qayb galo shirka, waanan ugu ducaynaynaa, shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana waxaan lu soo jeedinaynaa inay  go’aankaa nala qaata”

blank
Kulanka Madaxweynaha iyo Labada Gole

Waxa isna kulanka xog-waranka ah ee ay la yeesheen Madaxweynaha ka hadlay Suldaan Aadan faarax Cumar oo sheegay inay soo dhaweeyanayaan ka salaadin ahaan shirka ka qaybgalkiisa  “ Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiraddu go’aanka ay gaadheen ee shirka London ee ay ka soo qaybgaleen dawlado badan oo ay ka mid yihiin Somaliland oo lagu casuumay shirka London.Haddaanu nahay Golaha Salaadiinta hore ayaanu arrintan u falaqaynay oo shirka London uga haddalnay marka waxaanu majoorati ahaan, isla garanay inay maanta haboontahay in shirka laga qaybgalo.”Ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax Cumar waxaanu inta sii raaciyey hadalkiisa  “Nasiib wanaag dawladu waxay go’aamiyeen oo ay naga talo-galiyeen in lala qaato go’aanka shirka.Arrintaasina waanu la qaadaynay xukuumada in si mug leh looga qayb galo shirka London”

blank
Kulanka Madaxweynaha iyo Ururrada Bulshada

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu kulan noocan oo kale ah Hoteel Maansoor kula yeeshay Xildhibaannada labada Gole-qaran oo uu Qado-sharaf ugu sameeyey. Kulankan oo aan saxaafadda loo ogolayn, waxa uu madaxweynaha iyo xildhibaannada labada gole isla qaateen in ka hor inta aan laga qayb-galin shirka magaalada London, in labada gole la horkeenno si loo ansixiyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa habeen hore kulan wada-jir ah la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi qaran kaas oo uu ugu soo bandhigay in dawladda Ingiriisku wax-ka-beddel ku samaysay qaabkii ay Somaliland shirkaas uga qayb-gali lahayd, waxaanay madaxweynaha iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyadu isla qaateen in shirkaas laga qayb-galo oo laga muujiyo rabitaanka iyo horumarka Somaliland.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories