HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Munaasibad loo qabtay Dufcaddii 13aad ee ka...

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Munaasibad loo qabtay Dufcaddii 13aad ee ka Qalin-jabisa Jaamacadda Camuud (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorama (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta ka qayb-galay Munaasibad ballaadhan oo qabtay 621 Arday oo ka Qalin-jabiyey Jaamacadda Camuud ee magaalada Borama.

Ardayda loo sameeyey Munaasibadda Qalin-jabinta, ayaa noqonaysa dufcaddii 13aad ee Waxbarashada ka dhammaystay Jaamacadda Camuud, waxaana ku jiray 4 arday oo Laxaadka Maqalku ka maqan yahay.

DSC_0537Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah xukuuumaddiisa, ayaa saaka u baxay magaalada Borama ee Xarunta gobolka Awdal, waxa uu safarkiisa ku sii maray magaalooyinka Gabiley, Kala-baydh, Dila, halkaas dadweynuhu si ballaadhan ugu soo dhaweeyeen weftiga madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Weftigiisu markii ay gaadheen magaalada Boorama, waxa si weyn u qaabilay isla markaana soo dhaweeyey dadweynaha Caasimadda gobolka Awdal oo safnaa hareeraha jidka laamiga ah ee magaaladaas Dhexmara, ka hor intii aanay madaxweynuhu gaadhin xarunta jaamacadda Camuud, halkaas oo Ardayda qalin-jabisay, Maamulka Jaamacadda, Macalimiinta, Waalidiin iyo dadweyne kale ku sugayeen weftiga madaxweynaha.

DSC_0386Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey munaasibadda, ayaa Ardyda qalin-jabinaysa kula dardaarmay inay ku dedaalaan sidii ay aqoonta ay barteen dalka ugu faa’iidayn lahaayeen maadama oo ay yihiin mustaqbalka Berri ee dalka. Intaasi ka dib, madaxweynuhu waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda.

Ka dib, munaasibadda qalin-jabinta ee madaxweynuhu ka qayb-galay, waxa uu mashaariic kala duwan kka dhagax-dhigay magaalada Boorama, halkaas uu ku dhagax-dhigay Wershadda Tamarta Hawada la keydiyey oo marka la dhammaystiro wax ka beddeli doonta baahida dhinaca Korontada. Waxa kale oo madaxweynuhu dhagax-dhigay Waddo laami ah oo magaalada inteeda kale ku xidhaysa Guriga Martida ee Boorama.

DSC_0344Madaxweynaha iyo Weftigiisa, ayaa intaas ka dib ku guryo noqday magaalada Hargeysa, waxaanu safarkani noqonayaa markii Afraad ee madaxweyne Siilaanyo socdaal ku tago magaalada Boorama Afarta Sanno iyo dheeraad ah ee uu talada dalka hayey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories