HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Munaasibad loo qabtay Boqolaal Arday oo ka...

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Munaasibad loo qabtay Boqolaal Arday oo ka Qalin-jabiyey Jaamacadda GOLIS

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta ka qayb galay xaflada qalinjebinta dufcadii 16aad ee Jaamacadda golis ee magaalada hargaysa, xafladani oo ahayd mid si weyn loo maamuusay ayaa waxa madaxweynaha ku wahelinayay wasiiro kamida xukuumada, guddomiyeyaasha hay’adaha dawladda, guddomiyaha maxkamada sare, madaxda axsaabta qaranka iyo aqoonyahano tirro badan oo munaasibada goob joog ka ahaa.

099A3002Guddomiyaha guud ee jaamacadda Glolis Dr Siciid ayaa faa-faahin ka bixiyay kordhka ardayda jaamacadda ku yimi iyo sidoo kale halka ay gaadhsiiyeen aqoonta ardayda jaamacadda waxaanu sheegay Guddomiyuhu in waxbarashada Somaliland marayso halkii ugu saraysay isagoo si weyna ugu mahad celiyay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo.

Guddomiyaha Maxkamada sare, guddomiyaha hay’adda shaqaalaha iyo masuuliyiiin badan oo xafladda hadalo kasoo jeediyay ayaa dhamaantoodba ka sheekeeyay muhiimada ay aqoontu u leedahay aadamaha iyagoo ardaydana ku waaniyay inay waxbarashada sii wataan.

099A3001Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo khudbad dheer ka jeediyay madasha qalin-jebinta ardayda jaamacada golis ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland itaalkeedii dul dhigtay tayaynta iyo kor u qaadida  waxbarshada dalka, wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne silaanyo wax weyn ka qabtay horumarinta cilmiga iyo tayanta ardayada iyo gunayanta macalimiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay guud ahaan ardayada sanadkan ka qalin jebisay jaamacadaha kala duwan ee dalka gaar ahaana jaamacada golis ayaa ku hambalyeeyay dadaalka dheer ee ay usoo galeen inay wax bartaan isagoo madaxweynuhu ALLE uga baryay inay noqdaan kuwii dalkooda, dadkooda,iyo diintoodaba anfaca waxaanu yidhi Madaxweynuhu

099A3003“Bismilaahi Raxmaani Raxiim…

Dhamaan marti sharafta,masuuliyiinta kala duwan, madaxda jaamacadda, macalimiinta iyo ardayada Aslaamu calaykum waraxamatulaahi wabaarkaatuh.

Mudanayaal iyo marwooyin

Waxa sharaf weyn bay ii tahay in aan idinkala soo qyab-galo xafladda qalin-jebinta dufcadii 16aad ee jaamacadda golis waxaan hambalyaynayaa ardayda maanta ka qalin jebisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Golis Hargeysa, sidoo kale waxaan ammaan iyo hambalyo u dirayaa waalidiinta da’yartan kusoo tacabtay iyadoo cidkasta oo gacan ka gaysatay ay guushan gaadheen.

Dhinaca kale anigoo ka faa’idaysanaya munaasibadan qiimaha badan, waxaan jecelahay in aan halkan bogaadin uga jeediyo guddomiyaha, guddomiye-kuxigeenka madaxda iyo macalimiinta jaamacadda golis dadaalka iyo horumarka ay ku talaabsadeen mudadii ay jaamacaddu jirtay.

Mudanayaal iyo Marwooyin.

Waxaan hogaamiye ahaan qirayaa in jaamacadda Golis ay door weyn ka qaadatay tayaynta waxbarshada dalka islamarkaana ay xaqiijisay is-bedel mug iyo miisaan leh mudadii ay jirtay waxa muuqata inaad gaadheen in badan oo kamida himilooyinkiini aad hiigsanayseen

ugu danbayn waxaan leeyahay ardayada qalin-jebisay inkasta oo aad shahaadooyin maanta qaadateen hadana waxa xaqiiq ah inaad badweyntii cilimiga aad bilawdeen .

Ducaqabayaal .

Cilmigu waa bad bilaa deked ah oo aan lahayn bar uu ku dhamaado sidaa darteed waxa idinla gudboon inaad dadaalka waxbarshada halkaa kasii wadaan oo aydaan ka daalin. Waxaan idinku dardaarayaa, in aad u yeelataan halganka aqoon raadinta sabir iyo adkaysi, si aad u gaadhaan maqaam aad u sareeya.

Waxaan ku Kal-soonahay, in aad hibo u leedihin hal-abuur iyo himilo fiican, oo aad ku gaadhi kartaan horumar weyn, isla markaana aad dalkiina hooyo wax tari kartaan.

Duca-qabayaal,

Guntii iyo geba-gebadii, waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun-xun, ee afeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshooyinka caafimaadka qaba, sida: kala-qaybsanaanta, qabyaaladda, taariibta, dal nacaybka iyo bal-wadaha.

Dhammaanteen, ummad ahaan, waxa inala gudboon, in aynu gacmaha is-qabsano, una midowno ilaalinta nabadgelyada iyo danta guud ee qarankeena, si aynu u gaadhno bash-bash iyo barwaaqo.

Eebaa Gallad Leh, Gobannimana shacbigaygaa Leh,

Guuleysta,,   Guuleysta,,    Guuleysta,,

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories