HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Shaaciyey 100-ka Qof ee...

Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Shaaciyey 100-ka Qof ee Mutaystay Shahaado Sharafta Barnaamijka Qiimee Qofkaaga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad Shahaado-Sharafyo lagu guddoonsiiyey Shakhsiyaad loo doortay inay Bulshada ugu mudan yihiin.

Qiimee QofkaagaMunaasibadda oo ahayd gunaanadka Barnaamijka ‘Qiimee Qofkaaga Si aad Qiimo u Yeelato’ oo sanadkii u dambeeyay oo dhan uu waday muwaadin reer Somaliland ah isla markaana bulshada warbaahinta u marinayey su’aalo la xidhiidha qofka ay u arkaan inuu bulshada wax ku soo kordhiyey.

Prof SaleebaanBarnaamijka qiimaha qofkaaga oo uu soo diyaariyey Rashiid Sulub Caalin, ayaa waxa uu shahaado sharafyo guddoonsiiyey dad gaadhaya 100 qof, kuwaasi oo ay ku jiraan dad uu u xushay inay yihiin dadka ugu qiimaha badan, uguna mudan ee uga soo baxay jawaabaha uu bulshada ka helay.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo madashaasi ka hadlay, isaga oo ka mid ahaa shakhsiyaadka lagu soo daray barnaamihka qiimee qofkaaga ee abaal-mari nta la siiyay ayaa uga mahadnaqay muwaadinka barnaamijkan soo diyaariyey masuuliyadda baaxadda leh ee uu iska saaray inuu bulshada u soo bandhigo xulshada Shakhsiyaadkooda ugu mudan.

“Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq aad iyo aad u balaadhan uga soo jeediyo Rashiid Sulub Caalin ooh awl aad iyo aad qiimo iyo qaayo leh ee taariikhiga ah ee lagu qiimaynayo dadka Somaliland wax u taray iyo dadkeeda qiimaha leh iyo hal-doorka ee maanta barnaamijkan isku soo dubo riday ee ka fikiray ee soo sameeyay, waxaan jecelahay inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo,” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Somaliland oo munaasibadda ka hadlay.

Faadumo SiciidMadaxweyne Axmed Siilanayo oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Waxa kale oo aan iyagana halkan hambalyo uga soo jeedinayaa dadka qiimaha leh ee wax ka gaystay Somaliland magaceeda iyo taariikheedda ee xafladan lagu soo magacaabay ee sharafta ku mutaystay. Waxay ila tahay qara walba shacbigiisa iyo dadkiisa haddii aanu qiimayn ummad noqon maayo, ummad waxay ku noqdaan oo taariikhda ku galaan oo dal lagu noqdaa qiimaynta ummadiisa, dadkiisa iyo shacbigiisa.

Waxa kale oo mar walba la baahan yahay inaynu maskaxda ku hayno haddii qaranimadeenna, wada jirkeena iyo midnimadeena, ilaalinta nabad-gelyadeena iyo wada jirkeena ilaalino oo dalkeenu noqdo mid aynu ku faano qaranimadeena iyo xoriyad doonkiisa oo aynaan xumaantiisa uun aynaan raadin oo aanay saxaafaddeenu had iyo jeer xoriyad madax banaan ayay haysataaye’. Markaa waa inay wixii dalkooda dhisaya ee qiimo u yeelaya ay ku shaqeeyaan oo baahiyaan.”

Wasiir XirsiBarnaamijka qiimee qofkaaga oo dadka ku soo baxay ay isugu jireen Abwaanno, Culimo, siyaasiyiin, Aqoonyahan, Madax-dhaqameed iyo shakhsiyaad hore geeriyooday, waxaana ka mid ah dadka shahaado sharafta la gudoonsiiyey, Madaxwayne Siilaanyo, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Abwaan Hadraawi, Sheekh Dirir, Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Edna Aaden Ismaaciil, Faadumo Siciid iyo dad kale oo badan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories