HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Daah-furka Mashruuc Horumarinta Waxbarshada ah oo ay...

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Daah-furka Mashruuc Horumarinta Waxbarshada ah oo ay ku baxayso 13.25 Milyan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpostl)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu furayay barnaamijyo ku saabsan Horumarinta Waxbarashadda dalka, kaas oo Midowga Yurub Maalgelinayo, kuna baxayso adduun dhan (13,250,000 Euro) Saddex iyo Toban Milyan, labo Boqol iyo Konton Kun oo Yuuro.

hroMunaasabadda daahfurka barnaamijkan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa oo qayb ka ah qorshaha uu taageerayo midowga Yurub ee loogu magac daray (Horumarinta Cilmiga) kaas oo ay iska kaashanayaan wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo hay’adda Save The Children oo ay weheliyaan Hay’adaha NRC iyo CARE, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, madaxda hay’adaha barnaamijkan iska kaashanaya iyo marti-sharaf kale.

horBarnaaijkan Midowga Yurub maal-gelinayo oo Qorshihiisa loogu magacdaray Horumarinta Cilmiga, ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu tiigsanayo helitaanka nidaam waxbarasho oo waara, kaas oo ku fidaya carruurta dhigata dugsiyada H/Dhexe iyo Dugsiyada sare, waxaana qorshaha mashruucu si dhow ula shaqayn doonaa Wasaaradda waxbarashada Somaliland, iyadoo inta mashruucu soconayo la fulinayo adeegyo waxbarasho oo wax ku ool ah oo ka jawaab celinaya baahida caruurta Somaliland.

horumWasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasabadaas ka hadashay ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay had iyo jeer wasaaradda waxbarashada Somaliland la dhinac taagan yihiin taageero hagar la’aan ah haday tahay dhinaca dhaqaalaynta shaqaalaha, farsamada iyo qorshayanta.

horuMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaas ka hadlay, waxa uu ka sheegay in Somaliland ay shacab iyo dawladba u mahadcelinayso Midowga Yurub, maadaama ay gacan ka gaystaan dhinaca waxbarashada oo ah furaha horumarka ay bulsho tiigsanayso.

Madaxweyne Siilaanyo waxuu sheegay in muddadii ay xukuumaddu xilka haysay ay awoodda saartay tayaynta waxbarashada lana kordhiyey miisaaniyad sanadeedka waxbarashada lana sii wadi doono hagaajinta mustaqbalka da’yarta Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories