HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Xildhibaan Sheekh...

Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan oo Hargeysa ku geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynaha oo ka hadlay Shakhsiyaddii Marxuumka iyo Doorkii uu ka soo qaatay Geeddi-socodkii Nabadeynta Dalka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb-galay Aas Qaranka oo Xabaalaha Xeedho ee duleedka magaalada magaalada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo ka tirsanaa Odayaasha faro-ku-tiriska ee ku jiray Xildhibaannadii ugu horeeyey iyo Hal-doorkii Golaha Guurtida ee ka soo qayb-qaatay Geeddi-socodkii nabadeynta dalka.

Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaana Aaska Marxuumka ayaa ahaa mid heer qaran ah oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta Asxaabta qaranka, Golayaasha Qaranka iyo Bulshada Qaybaheeda kala Duwani.

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Geerida Marxuumka ka tacsiyeeyey Shacbiga Somaliland,Labada Qaran ee Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, asxaabtii, qaraabadii uu ka baxay Marxuun Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal, isagoo Md Siilaanyo ku tilmaamay Marxuumka xildhibaanada qiimaha iyo faca weyn ee ka tirsanaa shuyuukhda golaha guurtida.

Madaxweyne Siilanayo oo ka hadlayey shakhsiyaddii Marxuumka iyo doorkii uu ka soo qaatay geeddi-socodkii nabadeynta dalka, waxa uu yidhi, “Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada golaha guurtida Somaliland ee ugu muddada dheeraa, isagoo ku suntanaa, miisaan weyna ku dhexlahaa bulshada reer Somaliland oo uu ka mid ahaa, odayaashii, waxgaradkii salka u dhigay nabadda iyo dawladnimada dalka ka jirta, waxaanu hawl-fuliye ka ahaa dhammaan shirarkii nabadaynta beelaha Somaliland kuwada nool, waxa kaloo uu kaalin muuqata oo lama illaawaan ah ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka, waxaanu ahaa sheekh caalima oo ku xeel dheer diinta islaamka, dadkna ugu adeega samaha iyo wada jirka,” waxa sidaas lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryay inuu janooyinkiisa balaadhan dejiyo, guurtida, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu  ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories