HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Shakhsiyaddii iyo Kaalintii uu dhismaha Waxbarashada ka...

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Shakhsiyaddii iyo Kaalintii uu dhismaha Waxbarashada ka soo qaatay Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa oo maanta geeriyoooday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Marxuum Prof Cabdi Haybe Cilmi oo isla maanta ku geeriyooday Hargeysa.

Marxuumka oo qayb-libaax leh ka soo qaatay dhismihii heerarka iyo kor-u-qaadista waxbarashada dalka, waxa shakhsiyadiisa iyo doorkii uu ka soo qaatay ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Marxuumka ku tilmaamay inuu ka mid ahaa Odayaashii ka soo qayb-qaatay waxbarashada dalka.

siilaanyoDhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu u diray Marxuumka, waxa uu tacsi ugu diray dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo bahda waxbarashada Somaliland ee Prof Cabdi Haybe ka baxay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Prof. Cabdi Haybe Cilmi oo ku geeriyooday 14/09/2014 Magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qaybqaatay dhismaha waxbarashada Dalka, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Jaamacadaha Dalka siiba Jaamacada Hargeysa iyo Berbera.

Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay bahda waxbarashada soona saaray ubaxa dalkani ku faanayo ee aqoonta iyo cilmiga u soo bartay dalkooda, waxaanu iftiimiyey madaxweynuhu in uu kaalin muhiima inagaga baxay marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo,” sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiyaddii Marxuum Cabdi Haybe.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories