HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay Mawqifka Xukuumaddiisa ee Ka-Qayb galka Shirka London...

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay Mawqifka Xukuumaddiisa ee Ka-Qayb galka Shirka London ee Soomaalida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Md  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa ka hadlay mawqifka Somaliland ee ka qayb-galka shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo kulan-xogwaraysi ah la qaatay jaaliyadda Somaliland ee UK, waxa uu sheegay inaanay shirkaas ka qayb-galay haddii aanay maslaxadi ugu jirin Somaliland.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa kullan xog-wareysi ah la yeeshay Jaalliyadda Somaliland ee  ku dhaqan Dalka UK.

Kullankaasi oo ay madaxweynaha ku weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda.  Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Gudoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Xildhibaan, Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Safiirka Wareega ee Somaliland Ambassor, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK Xasan Xariir Xirsi, iyo masuuliyiinta Jaalliyadda Uk iyo Madax-dhaqameedyada  reer Somaliland qaar ka mid ah.

Weftiga Madaxweynaha, LondonUgu horayn Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaasi khudbad aad qiimo badnayd  ka soo jeediyay ayaa ugu mahad-celiyay qurbajooga reer Somaliland  ee dedaalka ugu jira difaaca Qadiyadda Qarannimada Somaliland iyo horumarinta Dalkooda hooyo.

Madaxweynuhu waxa uu si kooban uga waramay Wax-qabadka muuqda ee xukuumadiisu ay ku tallaabsatay muddadii ay tallada dalka hayeen isagoo xusey in dhinac kasta ay wax ka qabteen haday tahay dhinacyada Caafimaadka, Wax-barashada, Dhaqaalaha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka iyo Madaarrada.

 Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu markii u horeysay ka hadlay shirka Soomaaliya loo qabanayo  bishan May ee sannadkan, isaga oo si faah-faahsan ugu caddeeyay shacbiga reer Somaliland in aanay Somaliland ka qayb gali doonin shirkaas haddii ay u arkaan inuu yahay mid ka hor imanaya Danaha iyo Maslaxadada Dadka iyo Dalka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu cadeeyey oo uu ku yidhi hadalkiisa Kama Qayb Gali doono haddii uu shirkaasi yahay mid aan Maslaxada Qaranka Somaliland aanay dani ugu jirin, kama Qayb gali doono haddii aanu u aragno in shirkaasi uu yahay mid hoos u dhigaya karaamada Somaliland, cidna  uga habran mayno inaanu u sheegno aragtidayada shirkaasi la xidhiidha ee ku wajahan ka qayb-galkiisa, balse waxa aanu ka qayb gali-doonaa  oo kaliya haddii aanu u aragno ama aanu ka dhex aragno danaha  qarankan Somaliland, maslaxadiisu ay ku jirto oo  aanu weliba aad uga baraan degno kana yeelano talo Qaran” ayuu Madaxweynuhu kulankaasi dhexmaray Jaaliyada Somaliland ee Uk ka sheegay, isaga oo ka hadlaaya mawqifka Shirkaasi Somaliland ay ka taagan tahay.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xusay in xukuumadiisu ay ku dhisan tahay talo wadaag oo sidii horeba ay u yeeshay, ay hadana tallo wadaag Qaran laga yeelan doonto marka ay gaadho wakhtigeeda la xidhiidha Shirkaasi.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Shacbiweynaha reer Somaliland ee dalka Dibadiisa iyo dalka Gudihiisa ku sugan uu ku Borriyay  in ay u midoobaan, meelna uga soo wada jeestaan Horumarka Dalkooda hooyo oo ay sii laban laaban dedaalka ay ugu jireen Qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay Gudoomiye-xigeenka xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) iyo xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) oo ka war bixiyey waxyaabaha xukuumadda hada talada haysaa ay qabatay mudadii ay tallada dalka haysay iayag cadeeyeena in ay qabatay wax lagu faani karo marka loo eego xukuumadihii ka horeyey, waxayna Qurbo jooga reer Somaliland kula dardaarmeen  in ay danta guud ka horreysiiyaan wax kasta,  oo ay  isku duubnadaan.

Wasiirku-xigeenkii hore ee Arrimaa Dibada ee Somaliland  Mudane Maxamed Yoonis oo isna halkaasi hadal dheer ka soo jeediyay ayaa nasiib darro ku tilmaamay  in tiro yar oo Qurbo-jooga ka mid ahi ay had iyo goor  saxaafada ku qoraan waxyaabo halis ku ah Qaranimada Somaliland loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto ka midho-dhallinta Qadiyadda Somaliland.

Sidoo kale waxa isna halkaasi hadalka soo jeediyey Wasiirka kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku canaantay xubnaha ku guuldaraystay doorashadii degaanku in ay u hogaansanadaan sharciga dalka isla markaana aan loo baahnayn  khilaaf dhexdeena ah balse loo baahan yahay wada jir iyo horumar.

Intaas ka dib waxaa  hadalkii la wareegay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka waramay ujeedada Socdaalkooda iyo natiijooyinkii ka soo baxay kullan ay la yeesheen wasiirka wasaarada arrimaha dibadda ee Ingiriiska, kaasi oo uu ku tilmaamay mid ku dhamaaday guulo la isku afgartay, waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac, isagoo xusay in Ingiriisku durba wax ka badaleen digniintii dhinaca socdaalka ee ay soo saareen isla markaana ay labada dhinac sii xoojin doonaan wada shaqayntii ka dhexeysay.

Sidoo kale waxa uu xusay wasiirku in ay ka wada hadleen shirka Soomaaliya loo qabanayo bishan May ee sannadkan oo aan ilaa iminka Ajandihiisa la dejin, wax Martiqaad ahina aanay soo gaadhin Somaliland.

Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay  dalladda SSE oo qoraal tallo ah u gudbisay weftiga, isagoo u soo jeediyay in ururada kalena ay ku daydaan.

Ugu danbayntii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu uga madaceliyay Qurba jooga reer UK soo dhawaynta fiican ee ay mar kasta kala kulmaan ka xukuumad ahaan.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories