HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Geerida Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland...

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Geerida Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland oo lagu Aasay magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ka hadlay shakhsiyadda iyo doorkii uu kul lahaa nabadeynta iyo dhismaha Qaranimada Somaliland Xildhibaan Cali Aadan Qalinle oo ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland oo shalay ku geeriyooday Hargeysa.

siilaanyoMadaxweynuhu waxa uu tacsi u diray Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ah Odayaasha ugu da’da weyn Golaha Guurtida Somaliland.

War-saxaafadeed xambaarsan dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu u diray qoyskii, ehelkii iyo golaha Guurtida, ayaa sidoo kale madaxweynuhu ku xusay shakhsiyaddii uu marxuumku lahaa iyo dedaalkii uu u soo galay nabadeyntii iyo dib-u-dhiskii dalka.

“Xildhibaanka waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida ee fara ku tiriska ah ee mudada dheer ka tirsanaa golaha Guurtida, kana soo shaqeeyey nabadayntii beelaha Somaliland, iyo dib u dhiskii dalka, hadana waxa uka mid ahaa odayaasha iyo xildhibaanada wakhtigooda ugu badan ku bixin jiray wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha shacbiga Somaliland,” sidaas ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey shakhsiyadda Marxuumka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi la mid ah u dirayaa dhamaan Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland guud ahaanba, isaga oo marxuumkana ALLE uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golaha Guurtida, Golaha Baarlamaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories