HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Dhacdadii Saaka ee Golaha, Shaqaaqadii ka dhacday...

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Dhacdadii Saaka ee Golaha, Shaqaaqadii ka dhacday magaalada Burco, talooyinna u jeediyey Xisbiyada iyo Baarlamaanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

aHARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay mudaharaad saaka ka dhacay magaalada Burco, waxaanu ehelladii dadkii ay ku waxyeeloobay ka tacsiyeeyey khasaaraha ka dhashay bannaan-baxaas.

Bannaan-baxayaasha ayaa ka soo horjeeday mooshin mudaneyaasha Muxaarafadka ah ee Golaha Wakiillada oo haysta aqlabiyadda Goalhaas ay xilka kaga xayuubinayey Guddoomiyaha Golahaas kaldhiga 26aad oo maanta loo ballansanaa inuu furmo, haseyeeshee waxa fadhigaas baajiyey Guddoomiyaha iyo xildhibaanno ka tirsan golaha guurtida.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu guddoomiyaha Golaha Wakiillada ku eedeeyey masuuliyadda dhacdadii saaka ka dhacday golaha, isaga oo ku dooday inuu mar kasta xukuumadda ku eedeeyo inay faro-gelin ku hayso Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha oo ugu horeyn ka hadlayey shaqaaqada ka dhacday Burco, waxa uu yidhi,
Bulshada Somaliland dhammaan waan salaamayaa, waxaa ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray Golaha Baarlamaanka. Waxay Hay’adaha ay khusaysa isoo gaadhsiiyeen in sababtaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii ammaanka sugayey, hal qof oo shicib ah ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraabadii iyo eheladii iyo dhammaan dadka Jamhuuriyadda Somaliland waan uga tacsiyaynaa, aadna waan uga xumahay.”

“Waxaan leeyahay nabadgelyada hala illaaliyo, ha lala shaqeeyo ciidanka booliiska, iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka ku hawlan, ammaanku waa shayga ugu qaalisaan ee qarankani haysto, aniguna Madaxweyne ahaan waa masuuliyadayda koowaad, cidna ka yeeli maayo in nabadgelyada iyo khalkhal la galiyo,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Md Axmed Siilaanyo oo goor-dhawayd shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu siyaabo kala duwan ula hadlay Golaha Wakiillada, Golaha Guurtidaiyo Axsaabta Mucaaradka. “Waxaan leeyahay Golaha Wakiilada waxaa idin saaran masuuliyad culus oo bulshadu idinka fadhido, ma aha in aad maalin walba is haystaan oo Qaranka qas gelisaan, dhammaan waxaa idiin soo gudbiyey Xeerarkii muhiimada Qaranka u lahaa. Xeerkii Ammaanka, Xeerkii Doorashada, Miisaaniyadii Qaranka, Komishankii Doorashooyinnka. Waa khalad in Guddoomiyuhu maalin kasta nagu eedeeyo in aanu faragelin ku hayno Golaha, mana jirto. Shaqada Qaranku idinka sugayo ka hawlgala, idinkuna wixii dhexdiina yaalla wada hadal ku dhammaysta, sharcigana u hoggaansama,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Golaha Guurtida waan ku ammaanaya waxaana ku hambalyeynayaa shaqada ay Qaranka u hayaan, gacanna waanu ku siinayna, waanay ku mahadsan-yihiin.”

“Xisbiyada waxaa loo sameeyey in qabyaaladda lagaga baxo, waa nasiib darro in maanta qaarkood ay kasoo baxdo baaqyo qabyaladeed, waxaan leeyahay qarankan waxaad u haysaan masuuliyad, waxaana waajib idinku ah in aad illaalisaan sumcadda, sharafta, iyo haybadda qaranimada,” ayuu yidhi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories