HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Afgembigii Dhicisoobay ee ku dul-qabsaday dalka Turkiga

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Afgembigii Dhicisoobay ee ku dul-qabsaday dalka Turkiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynaha Somaliland oo muddo todobaad ah kaddib dalka dib ugu soo laabtay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib muddo todobaad ah oo uu safar shakhsiyeed ugu maqnaa dalka Turkiga oo isla maalintii uu tagay kula kulmay Isku-day Afgembi oo markii dambe la fashiliyey.

2 (2)Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax), Md Siilaanyo waxa uu u hambalyeeyey shacbiga dalka Turkiga awooddii ay ku muquuniyeen Ciidamadii isku dayey afgembiga fashilmay.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay weheliyaan Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane, Cali Axmed Cali ayaa galabta oo Khamiis ah dib ugu soo guryo noqday dalka, ka dib markii ay soo dhamaysteen todobaad nasasho ah oo uu ku joogay madaxweynuhu Magaalada Busra ee dalka Turkiga.

3Madaxweynaha oo socdaalkiisu ahaa mid khaasa, sidaan hore u sheegnay  ayaa dalkaasi waxa ka dhacay intii uu ku sugnaa isku-day inqilaab, kaasoo ay fashiliyeen shacbiga dalkaasi oo si buuxda ugu hiiliyey madaxweynaha iyo dawladda ay soo doorteen, iyadoo madaxweynaha Somaliland, wax-alla-wax saamayn ah aanu ku yeelan afgenbigaa dhicisoobay.

Madaxweynaha ayaa markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu hambalyo u diray shacbiga dalka turkiga sida ay u taageereen dawladdooda iyo madaxweynahooda iyo sida geesinimada iyo waddaninimada leh ee ay isku hortaageen kuwii damacsanaa inay xukunka ka tuuraan dawladda sharciga ah ee la soo doortay, waxaanu sheegay madaxweynuhu inay taariikh dhigeen ummadda reer Turki, ka dib markii ay diideen, kana horyimaadeen kacdoonka ciidamada qaarkood ku kaceen.

5Ugu dambayn madaxweynuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray duqayda, waxgaradka, Madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, bulshada gobolada, Sanaag, Xaysimo iyo Sool, ajiibida ay kaga qaybgaleen gogoshii nabadeed ee uu hore u fidiyey Madaxweynuhu iyo heshiiska ay ka gaadheen fadhigii maalmaha qaatay ee ku qabsoomay degmada Awr-boogays laguna ansixiyey heshiiskaas, dadka deegaankuna ay isku raaceen inay ummaddooda Somaliland wax la qaybsadaan, waxna la wada qabsado, iyadoo laysku duuban yahay, meelna looga soo wada jeedo danta qaranka oo qof walba faa’iido u ah, sidoo kalena waxa uu bogaadiyey una mahadnaqay intii kasoo shaqaysay arrintaa taariikhiga ah.

Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyey madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, xildhibaano, culimo awdiin, madax-dhaqameed, taliyeyaasha Ciidamada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan qaarkood.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories