HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Jaaliyadda Reer London ugu Bushaareeyey inuu La Qaadan doono...

Madaxweyne Siilaanyo oo Jaaliyadda Reer London ugu Bushaareeyey inuu La Qaadan doono Farxadda Ciidul-Fidriga

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo oo todobaadkan ka dhoofay dalka, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu ku gaadhay socdaal isugu jira Shaqo iyo mid isaga u gaar ah.

silanyo_London (1)Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisa, waxaa madaarka diyaaradaha Heathrow ku Qaabilay Safiirka Somaliland u fadhiya UK, Cali Aadan Cawaalle, Danjire Kayser Cabdillaahi Maxamed, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo hore ugu sugnaa dalkaas, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Ingiriiska Xariir Xirsi iyo dadwayne ka mid ah Qurbejoogga Somaliland ee London.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlay warbaahinta, waxa uu u mahad celiyay dadkii halkaasi ku soo dhaweeyay, waxaanu ugu bushaareeyay jaaliyada reer London inuu la ciidi doono munaasibadda Ciidda Soonfureed.

“Farxad weyn ayay noo tahay aniga iyo weftiga ila socdaba inaad halkan si wanaagsan noogu soo dhaweysaan, waa idiinka mahad-celinaynaa, safarka aan u socdaa waa safar gaaban fasax oo aan halkan doonayo inaan idin kula qaato dadka reer Somaliland oo idinkula ciido,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

silanyo_London (2)Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay, waxaanu yidhi “Waxaan socdaal ku soo maray dalka Itoobiya oo si fiican na loogu soo dhaweeyay, waxaana ka wada hadalnay danaha labada dal oo si fiican aanu iskugu afgaranay, wakhtiga aan joogo (UK) inaan idinla ciido kulamo-na ayaan doonayaa.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa socdaalkiisa ku wehelinaya Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris), Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Waxbarashadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Samsam Cabdi Aadan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories