HomeMadaxweyne Siilaanyo oo isku Shaandheeyey Xukuumaddiisa, Xubno Cusub oo uu ku soo...

Madaxweyne Siilaanyo oo isku Shaandheeyey Xukuumaddiisa, Xubno Cusub oo uu ku soo daray iyo Cabdicasiis Samaale oo Mansabkii Shirguddoonka Wakiillada u sadqeeyay Xil Wasiirnimo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 14 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C.laahi Maxamed Daahir “Cukuse”  ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:             Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:   Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:             In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:           Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay:   In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-

NO

Magac-yada Masuuliyiinta Cusub

Magacaabidda

Wasaaradda loo magacaabay

1 Cabdicasiis Maxamed Samaale  (oo ahaa Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada ) Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
2 Axmed Cabdi Xaabsade

(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta)

Waxa loo magacaabay Wasiirka  W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta
4 Cali Siciid Raygal

(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)

Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5 Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6

Cabdilaahi Abokor Cismaan      (Xil Cusub)

Waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha  Maamulka  ee W. Arrimaha Gudaha
7 Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) Waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8 Mawliid Maxamuud Ibraahim Waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9 Nuux Sheekh Muuse Ducaale Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10 Maxamed Cumar Cabdilaahi Waxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha
11 Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

 

Warsaxaafadeedkan Waxaa lagu sheegay oo kale in Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-

No

Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey

1

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii  W/ Maaliyadda

2

Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3

Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii  W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

4

Dr. Axmed Xaashi OdayMadaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta

5

Cabdi Siciid Faahiye Wasiirkii  W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka

6

Warsame Siciid Cabdi Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda

7

Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda

8

Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)

9

Axmed Cali Xirsi (Sulub) Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha

Si kastaba ha ahaatee, isku shaan-dhaantayn ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la tacaalayso eedaymo Musuq-maasuq iyo xaalado cakiran oo ka taagan gobollada Bari ee dalka Qaarkood iyada oo madaxweynaha laga filayey inuu soo kordhiyo xilal cusub oo dheelli-tir u noqda tabashada shacbiga gobollada Bari qaarkood.

Sidoo kale, Xulashada madaxweynaha ee qaar ka mid ah xubanaha golaha wakiillada ayey dad badan  u arkaan inuu ku wiiqayo sharci-dejinta dalka ka dib markii uu mid ka mid ah shir-guddoonkii Golaha wakiillada ka fadhataysay iyada oo maanka llagu hayo in guddoomiyaha golaha wakiillada uu hore u furtay urur-siyaasadeed Cusub oo dadka qaarkood shaki badan ka muujiyeen inuu u xaglinayo dhanka Xukuumadda. Sidoo kale, waxa hore loo ogaa magacaabistii wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka soo jeeda xildhibaannada xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB kaga jira golaha Wakiillada.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories