HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Hambalyo iyo Codsi is-barkan munaasibadda Awgeed u diray Shacabka...

Madaxweyne Siilaanyo oo Hambalyo iyo Codsi is-barkan munaasibadda Awgeed u diray Shacabka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka Hambalyo u diray munaasibada Ciidal Adxa awgeed, waxaanu madaxweynuhu sidoo kale shacabka ka codsaday inay meel uga soo wada-jeestaan wax kasta oo dhibaato u keenaya Amniga, Diinta iyo Dhaqanka Suubban.

dsc_0055Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo xambaarsan dhambaalka madaxweynaha, waxa uu Md Siilaanyo ku bilaabay farriintiisa sidan:- Milgo iyo Maamuus weyn ayey ii tahay in aan munaasibadda Ciidal Adxaha awgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin dhammaan Shacbi-weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Si gaar ah, waxaan tahniyad ugu dirayaa Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Goleyaasha Qaranka, Culimo-aw-Diinka, Madax-dhaqameedka, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Bahda Waxbarashada, Bahda Garsoorka, Ururada Bulshada, Dhalinyarada iyo Haweenka laf-dhabarka u ah nabadda iyo nolosha dalkan.

Waxaan leeyahay Mudanayaal iyo Marwooyin, ku ciida ciid wanaagsan, nabad iyo caano ku ciida.

( Kullu-caam wa antum bikhayr ), ciiddan ciiddeeda kale ILAAHAY ha inagu gaadhsiiyo bed-qab, bash-bash iyo barwaaqo. Aamiin Aamiin   Aamiin

 

Duco-qabayaal,

Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan.

Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.

Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.

Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.

Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay.

 

Duco-qabayaal,

Waxaan bogaadinayaa Bulsho-weynta Somaliland ee jecel horumarka, nabadda, diinta, ilaalinta dhaqankeena suuban, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.

Nasiib darro, waxa jira in kooban oo bulshada ka mid ah in ay caadaysteen in ay maalmaha ciidda barakaysan ku kacaan ficillo iyo falal ka dhan ah diinteenna wanaagsan, anshaxa iyo akhlaaqda suuban.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Waalidiinta, Wax-garadka, Culimo-aw-Diinka Dalka, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda ee arrimahan u xilsaaran in ay si mug iyo micno leh u toosiyaan, ugana hortagaan dhaqammadaa dhexdeenna ku faafaya.

Aniga oo munaasibadan ciidda ka faa’iidaysanaya, waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dhibtu ku dhex-martay deegaannada Dogoble iyo Darar-weyne, waxaan leeyahay;

“Walaalayaal gogosha ragu waa nabadda, nabadda idinkaa u baahan, ee iyadu idiinma baahna ee joojiya colaadda, dhiiga iyo dhagarta dhexdiinna”

Waxaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u dirayaa ciidammada qaranka ee ku hawlan dhex-dhexaadinta iyo nabad ilaalinta deegaannada Dharkayn-geeye, Dhummay, Daba-taag, Dogoble, Darar-weyne iyo Ceel-afweyn.

Mar labaad, waxaan ku guubaabinayaa inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, kana daalin hawsha islaaxa ah ee ay ka shaqaynayaan.

Waxaan farayaa in ay gacan adag oo aan naxariis lahayn ku qabtaan cid kasta oo khal-khal galinaysa amniga iyo xasilloonida deegannadaa.

Waxaan Bulshada Somaliland u caddaynayaa in aanay jirin cid laga baryayo deganaanshaha iyo nabadda dalkan. Waxaan si weyn ugu digayaa cid kasta oo ku hawlan falal ka dhan ah nabadgelyada.

 

Duco-qabayaal,

 

Ugu danbayn, waxaan idinkula dardaarmayaa dhammaantiin:

 

  • In aynu dhinac uga soo wada jeesanno ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca qarannimadeenna.
  • in aynu ilaalinno wada-jirka iyo isku-duubnida dhexdeenna.
  • in aynu is-gargaarno, isla markaana caawinno kuweena taagta daran ama tabaalaysan.
  • in aynu isu caqli-celinno, wanaagga is-farno, xumahana iska reebno.
  • in aynu ka wada qayb-qaadanno horumarka iyo dib-u-dhiska dalkeenna hooyo.

 

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubanayd ee aynu samaynay maalmahan khayrka badan.

Waxanan u ducaynayaa inta bukhta ee xaalad caafimaad u jiifta, awoodina wayday inay inala ciidaan maalintan qiimaha badan, waxanan Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka, Aamiin Aamiinintii, Intii dhimatayna waxan Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo una naxariisto.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi Dhambaalkiisa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories