HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Hadyado Qaali ah ku sagootiyey Safiir ku-xigeenkii Ingiriiska ee...

Madaxweyne Siilaanyo oo Hadyado Qaali ah ku sagootiyey Safiir ku-xigeenkii Ingiriiska ee Addis Ababa oo shaqada laga beddelay iyo dareenka uu ka bixiyey

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Silaanyo) oo ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagootin iyo mahad-naq xambaarsan kula yeeshay Safiirka ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa Mr Chris Allan oo sidoo dawladda Ingiriiska xidhiidhka iyo danaha ka dhexeeya Somaliland, kaas oo laga beddelay xilkii safiir ku-xigeenka uu ka hayey safaaradda UK ee Addis Ababa.

DSC_0146Madaxweynaha waxa kulanka uu la qaatay Danjire Chris Allan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil, Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

Danjire Chris Allan oo ay weheliso Sarkaalad arrimaha Siyaasadda u qaabilsan Safaaradda laguna magacaabo Lizzie Lovett oo maanta dalka Yimi, ayaa madaxweynuhu guddoonsiiyey hadyado Qaali ah oo isugu jira Alaabo ka samaysan Hiddaha iyo Dhaqanka oo lagu xardhay Astaanka iyo Calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

In kasta oo ay warbaahintu dib-joog ka ahayd kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo Danjiraha Dawladda Ingiriiska, waxa si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi iyo Danjire Chris Allan oo shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada kulanka ka dib.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa danjire Chris Allan uga mahad-celiyey xidhiidh wadashaqayneed ee uu la lahaa dawladda Somaliland, isaga oo ka sheekeeyey kaalin muhiim ah oo uu ka qaatay kor-u-qaadista iyo soo-noolaynta xidhiidhkii ka dhexeeyay Ingiriiska iyo Somaliland.

DSC_0147“Waxa uu madaxweynaha maanta la kulmay safiir ku-xigeenka Ingiriiska ee safaaradda Addis Ababa Chris Allan oo shaqada laga beddelay, aad baanu uga xunnahay inuu tagayo, laakiin waxaanu ku faraxsannahay inuu dallacay oo meel ka sarreysa uu tagay. Chris waa nin si xoog ah wax ugu qabtay Somaliland, waa nin aanaan abaalkiisa gudi karayn oo qadiyadda Somaliland meel walba gaadhsiiyey. Haddaanu nahay dawladda iyo shacabka Somaliland waanu uga mahad-celinaynaa sida uu noola shaqeeyey, waxaananu ku nidhi meel kasta oo aad tagto waxaanu doonaynaa inaad noqoto safiir arrimaha Somaliland u jooga,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Dhinaca kale, Danjire Chris Allan ayaa ka war-bixiyey kaalinta uu ka geystay xidhiidhka labada dawladood u dhexeeya iyo hirgelinta mashaariic horumarineed beesha caalamku ku taageerto Somaliland oo uu ku faanay inay suurta-galeen muddadii uu xilka Safaaradda hayey.

DSC_0139“Waxay noqonaysaa markii iigu dambaysay ee aan Somaliland soo booqdo anigoo haya xilka Safiir ku-xigeenka Britain ee Addis Ababa, laakiin waxaan rejaynayaa inaanay noqon booqashadaydii u dambaysay Somaliland, waxaanan rejaynayaa oo aan qorsheyn doonaa inaan mar kale soo noqdo,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Chris Allan.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Haddaan tagayba, waxaan rumaysanahay in xidhiidhka Somaliland iyo Britain uu joogo heer aanu waligii gaadhin, waxaynu wadaagnaa xidhiidhka taariikhi ah. xidhiidhkeena immika wuu dhinacyo badan yahay, sida kaalmooyinka horumarineed oo aanu kaga qayb-qaadano mashruucii ugu weynaa ee aanu ka geysano halkan oo ah sanduuqa Horumarin ee beesha Caalamka dhaqaalihiisa sida tooska ugu soo hagaajiso dawladda Somaliland, waxaanan ku faraxsanahay in mashruucani hirgalo intii aan xilka hayey.

Intii aan xilka hayey waxa ii suurto-gashay inaan dalkayaga ku qabanno laba shir oo waaweyn oo lagaga hadlo maalgashiga Somaliland, kuwaas oo dhiirrigeliyey inay maalgashadayaasha British-ka ahi si xooggan daneeyaan Somaliland,” ayuu yidhi Safiir ku-xigeenkii hore ee Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories