HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Guddoomiye u magacaabay gobolka Cusub ee Xaysimo

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddoomiye u magacaabay gobolka Cusub ee Xaysimo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Guddoomiye u magacaabay Gobolka Cusub ee Xaysimo oo madaxweynuhu dhowaan ku soo kordhiyey 12-kii gobo lee hore u jiray.

Gobolka Xaysimo oo Caasimaddiisu tahay magaalada Taleex oo hore uga tirsanaan jirtay gobolka Sool, ayaa madaxweynuhu magacaabay horaantii bisha June ee sannadkan, waxaanu xuduud la leeyahay maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

siilaanyoMd Axmed Siilaanyo waxa uu guddoomiyaha gobolka Xaysimo u magacaabay inuu noqday Md Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), sida lagu sheegay war-saxaafadeed xambaarsan digreeto madaxweynuhu ku magacaabay masuulkan oo maanta ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

Magaalada Taleex ee xarunta u ah gobolka Xaysimo, ayaa ciidamada Qaranka Somaliland labada bilood ka hor ka saareen kooxda Nabad-diidka ee Khaatumo oo xarun ka dhigatay, ka dib markii ay bulshada deegaanku tabasho ka muujiyeen tacaddiyo ka dhan xuquuqda bani’aadamka oo malleeshiyo beeleed ka tirsan kooxdaasi u geysteen shacabka ku dhaqan magaalada.

Sidoo kale, waxa magaalada gudaheeda ku dagaalamay malleeshiyo-beeleedka Kooxda la baxday Khaatumo iyo ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland, ka dib markii madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedka oo deegaan ahaan u dhashay degmada Taleex uu ciidamo ku soo hoggaamiyey magaaladaas, halkaasna dagaal ku dhexmaray malleeshiyaadka Kooxda Khaatumo, isla markaana lagu dhex-dagaalamay gudaha magaalada, iyada oo aan loo kala aabo-yeelin maatidii iyo shacabkii ku dhaqnaa magaalada.

Gobolka Xaysimo oo noqonaya gobolka 13-aad ee Somaliland, magacyada gobollada kale ee dalka ayaa kala ah; Awdal, Badhan, Buuhoodle, Gabiley, Hawd, Maroodi-jeex, Oodweyne, Saaxil, Salal, Sanaag, Saraar iyo Sool.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories