HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Awdal

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanayo) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Awdal, ka dib markii uu xilkii gobolkaas iska casilay guddoomiyihii hore ee gobolkaas oo u dhoofay dalka Kanada.

Warsaxaafadeed oo kooban oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Daahir (Cukuse) ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo, Md. Axmed Xadi Siciid uu yahay guddoomiyaha Gobolka Awdal.

Warsaxaafadeedka lagu shaaciyay magacaabista Guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay  0172/092011  ku Magacaabay Mudane, Axmed Xadi Saciid inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad iyo Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:    Baahida loo qabo in Badhasaab loo magacaabo Gobolka Awdal,

Markuu Aqoonsaday:    Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu Ku Qancay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Xadi Saciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Magacaabista guddoomiyaha cusub ayaa timi ka dib markii guddoomiyihii hore ee gobolka oo markii xilka hayay muddo saddex maalmood ah Sponsor ka helay dalka Kanada, taasina sababtay inuu dayaco xilkii qaranimo ee loo igmaday.

Chief-Caaqil Xasan Daahir Xadi oo ka dib markii uu ka degay dalka Kanada ku dhawaaqay is-casilaaddiisa, waxa uu xilka guddoomiye-nimo uga dambeeyay badhasaabkii hore ee gobolkaas  Maxamed Daahir Cabdalle oo ka mid ahaa xubnihii Kulmiye kaga jiray gobolka isla markaana kaalin firfircoon ka ciyaaray siyaasadda xisbiga ee gobolka.

Guddoomiyaha Cusub ee la magacaabay Md. Axmed Xadi Siciid  ayaa ah siyaasi magac weyn ku leh gobolka Awdal door muhiim ahna ka qaatay ku-hadlidda magaca gobolka iyo sidii horumarkiisa looga talin lahaa.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories