HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay sidii Haweenka iyo Dadka laga tirada...

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay sidii Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay ay uga qaybgali lahaayeen Siyaasadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 08 September, 2011 (Ogaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay magacaabay Guddi cusub oo uu u xil-saaray inay soo baadhaan ama daraaseeyaan Xoojinta kaalinta Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay ee ka qaybgalka Siyaasadda dalka.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi-Cukuse, kaasoo lagu faahfaahiyey qodobbada Xeerarka uu Madaxweynuhu u cuskaday Guddigan iyo Magacyada xubnaha la magacaabay. Waxaanu War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0171/092011 ku Magacaabay Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta Haweenka iyo Dadka laga tirada badan-yahay ee ka qayb-galka siyaasadda.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobada 8aad, 22aad iyo 90aad ee dastuurka Jamhuuriyada: Somaliland. Markuu Arkay: Talada Golaha Guurtida JSL, ee ku suntan Ref: GG/JSL/52/032011 kuna taariikhaysan 19/02/2011, ee nuxurkiisu yahay in guddi midaysan oo ka kooban saddexda Gole (xukuumadda, wakiilada iyo Guurtida) loo saaro arrinta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo sugitaanka xuquuqda siyaasadeed ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, Markuu Aqoonsaday: In ay haweenku yihiin hal-bawlaha bulshada iyo muhiimada ay u

leeyihiin horu-marinta qaranka.

Wuxuu go’aansaday Madaxweynuhu, In uu Magacaabo Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda, Gudidaas oo ka kooban 9 xubnood, oo kala ah:

1. Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka

2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha &

Dalkxiiska

3. Cali Cabdi Saa’iq Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, G & Gaadiidka

4. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Dheere)

5. Xil. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

6. Xil. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax

7. Xil. Muxumed Aw Axmed X. Aadan

8. Amaal Axmed Miisaan, La Taliyaha Madaxweyne ee Arrimaha Haweenka

9. Axmed Muxumed Madar, Gudoomiyaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-Maasuqa

iyo Ilaalinta Dawlad Wanaaga.

Haddaba, marka aad deristaan ka dib waxan idiinka rajaynaya in aad ii soo gudbisaan tala dhaxal-gal ah oo Golayaasha Qaranku ku go’aan qaadan karaan, iyadoo la waafajin doono shuruucda dalka. Waxaan jecelahay in aad kusoo dhamaysaan muddo 3 toddobaad.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories