HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay Qaban-qaabada Aaska Marxuum Eng Yuusuf Warsame...

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay Qaban-qaabada Aaska Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Maayarkii Caasimada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore.
Waxa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa kale oo war-saxaafadeedkaasi Madaxweynuhu ku magacaabay Gudida qaban qaabada aas qaran oo loo samaynayo Maayarkii Geeriyooday ee caasimada Hargeysa.

Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid
Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid

Waxaanu dhambaalkaasi tacsida ahi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Degaanka Hargeysa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maayarkii Caasimada Hargeysa MARXUUM, ENG. YUUSUF WARSAME SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore 07/04/2013.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay muwaadin jecel dalkiisa iyo horumarka ummaddiisa, mudo dheerna u soo shaqaynaayey sidii uu ugu tari lahaa dadkiisa iyo dalkiisaba.

ALLE ha u naxariistee Doorashadii Golaha deegaanka ka dib waxaa loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa si uu aqoontiisa iyo kartidiisa ugu horumariyo caasimada Hargeysa, inkastoo intii loo doortay Maayarka Caasimada ka dib uu la soo dersay Xanuunkan uu haatan u geeriyooday Marxuumku.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumkaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Golihii Degaanka Hargeysa ee uu maayarka u ahaa, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/MG/083-1696/042013 ku magacaabay Gudi qaban-qaabo oo u xilsaaran Aaska Marxuumkaasi, Gudidaas oo ka kooban 15 Xubnood waxa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).

Magacaabida Madaxweynaha:-

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)
  2. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
  3. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda
  4. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
  5. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda
  6. Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta
  7. Taliyaha Ciidanka Booliiska
  8. Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Hargeysa
  9. Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda Hargeysa
  10. Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda
  11. Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe
  12. Xildhibaan Maxamuud Axmed Oobsiiye
  13. Mudane, Maxamed Baarjeex
  14. Mudane, Cali Cumar Xasan Guuleed
  15. Marwo Aamina Yuusuf Aar

Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid

Mudanayaal iyo Marwooyin,Sida aad ka warhaysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuun Yuusuf Warsame Siciid. Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid. Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunka.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories