HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Guddi Heer Wasiir ah u Xil-saaray Xakamaynta Dhaqan-xumada

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi Heer Wasiir ah u Xil-saaray Xakamaynta Dhaqan-xumada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu maanta soo saaray guddi heer wasiir ah ugu magacaabay ka-hortagga Anshax-xumada oo uu sheega inay laf-jab iyo ku tahay qaranimada.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

madaxweyne siilaanyoWaxaanu Madaxweynuhu Magacaabistan Gudida ku yidhi Mudanayaal; Waa xilka Xukuumadda in laga hortago cid-kasta oo anshax-xumo ku abuuraysa Bulshadda Somaliland dhexdeeda, isla markaana waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumaddu ka hor-tagto dhaqan-xumadaas.

Haddaba, aniga oo ka duulaya qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka iyo warbixinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adaha Aminiga ee Qaranka, waxaan idiin magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Anshax-xumada.

Sidaas darteed mudanayaal, waxa aan idin farayaa in aad wax-ka qabataan dhaqan-xumadaas oo Qaranka laf-jab ku ah, idinka oo waafajinaya shuruucda dalka.

XUBNAHA GUDIDU KA KOOBAN TAHAY

1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddoomiye

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xubin

3. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xubin

4. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska,  Xubin

5. Taliyaha Ciidanka Booliiska, Xubin

6. Taliyaha  Sirdoonka Qaranka, Xubin

Guddigan uu madaxweynaha Siilaanyo magacaabay, ayaa noqonaysa Guddigii labaad ee heer-wasiir ah oo uu u magacaabo Wax-ka-qabashada Arrimo khuseeyaha adeegyada Bulshada, waxaanu dabayaaqada sannadkii hore magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano goleyaasha ah oo loo xil-saaray kor u qaadista iyo kobcinta bilicda magaalooyinka waaweyn ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories