HomeMadaxweyne Siilaanyo oo go'aan ka soo saaray Dhul Dawladda Hoose Qorshaysay inay...

Madaxweyne Siilaanyo oo go’aan ka soo saaray Dhul Dawladda Hoose Qorshaysay inay Iibiso oo maanta Rabashado ka dhaceen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa go’aan ka soo saaray Dhulka ku yaala Barxadda dhinaca K/Bariga ee guriga Xisbiga ee Suuqa Gobonimo oo shalay iska horimaad rabshado wataa ku dhexmareen Ciidamada Booliska iyo Shacab ku ganacsada dhulkaas, ka dib markii Dawladda Hoose ee Hargeysa ku wargelisay inay dhulkaas isaga guuraan.

Madaxweyne Siilaanyo oo caawa soo saaray digreeto uu ku laalay qorshaha dawladda Hoose ku doonaysay inay ganacsato Suuqa Hoose laga rarayo loo dhiso dhulkaas, waxa uu ku wargeliyey Duqa Caasimadda Hargeysa inaan dhulkaas la bixin karin, waxba laga dhisi karin isla markaana aan sifo kale loo isticmaali karin.

blankMadaxweynaha Somaliland waxa uu wasiirka Arrimaha Gudaha faray inuu warbixin uga soo gudbiyo fulinta Warqaddani Xambaarsan tahay.

Waxa sidaas lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa:

“Waxaa jirta in Xukuumaddu u qorshaysay baahi Qaran  Guriga Xisbiga iyo dhulka ku xeeran, iyadoo ay hore u jirtay ku talogal naqshad-dhuleedka danta guud ee aan Xukuumadii hore kala wareegay, isla markaana  Madaxweynihii hore ka soo saaray qoraalka summadiisu tahay JSL/M/MHH/241/0506 ee 06/05/06, taasoo u muuqata in aan la tixgelin.

Sidaas darteed, Mudane Guddoomiye,(Duqa Caasimada Hargeysa) ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, maadaama baahi Qaran dhulkaas loo qabo,  waxaan ku farayaa in aan dhulkaas la bixin karin waxna laga dhisi karin wajahadiisa, sii jeed & soo jeed iyo dhammaanba Dhulka ku xeeran Guriga Xisbiga.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa la farayaa inuu warbixin ka soo diyaariyo fulinta amarka warqadani xambaarsan tahay.”

Tallaabada madaxweyne Siilaanyo uu go’aanka kaga gaadhay dhulkan, ayaa ka dambaysay ka dib markii maalinta iska horimaad rabshado wata ka dhacay wejahadda Koonfur-Bari ee Guriga Xisbiga halkaas oo dad ka cadhooday qorshe dawladda Hoose ku damacsanayd inay dhulkaas dejiso ganacsato Suuqa Hoose laga rarayo, waxaanay goobtaas ku gubeen taayirro ka hor intii aanay ciidamada Boolisku soo gaadhin goobtas.

Ciidamada Booliska oo adeegsanaya rasaas, ayaa dadweynihii mudaharaadka samaynayey khasab ku kala kaxeeyey, waxaanay xabsiga u taxaabeen 20 qof oo isugu jira dumar Caanaha Iibiya iyo darawaliinta baabuurta u kala gooshta Hargeysa iyo Wejaale oo istaankoodu ku yaallo wejahadda Bari ee guriga Xisbiga.

Sidoo kale, ciidamada booliska oo watay cagafyada dawladda hoose qaarkood ayaa halkaas ka baa’biiyey guryo ka samaysnaa jiingado, kuwaasi oo ay ku jireen dad danyar ah oo qaarkood alaabtoodii ay bannaanka loogu daadiyey.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories