HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Fasaxay Iibinta Dhulka danta Guud iyo Guryaha Dawladda ee...

Madaxweyne Siilaanyo oo Fasaxay Iibinta Dhulka danta Guud iyo Guryaha Dawladda ee Shacab Area, Amrayna in Gacanta Dawladda lagu soo celiyo Dhismayaasha Dawladda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa u xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014, ku daqan geliyey Dib-u-soo Celinta Gacan Ku Haynta iyo Ku-tasarrufka Dhulka iyo Guryaha Dawladda.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhaqan-gelka xeerkiisan ku amray in la iibin karo Guryaha dawladda eek u yaala Shacabka ee aan loo isticmaalin Dan Guud isla markaana lagu shubo khasnadda Dawladda. Waxaanu sidoo kale guryaha dawladda ee aan hay’ad dawladeed gacanta ku jirin dibloogu soo celiyo gacanta dawladda, isla markaana qofkii sifo sharci-darro ah ku dhistay dhul dan guud ah oo ku yaala shacab area, dib loogu celiyo lacagta kaga baxday dhismaha uu ka dhisay.

Madaxweynuhu waxa uu fulinta dhaqan-gelka xeerkan ku lifaaqay laba guddi oo iska daba hubinaya, kuwaas oo isugu jira wasiiro iyo hay’adaha Hanti-dhowrka iyo Xisaabiyaha Guud ee Dawladda.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, waxaanu u dhignaa sida tan:

 

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                 Qodobka 12aad, Faqradiisa 3aad iyo Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                 Qodobka 31aad, Faqradiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lr. 17/2001;

Markuu Tixgeliyey:         Xeerarkii kala danbeeyey ee ay soo saaraan Madaxweynaha iyo Madaxweynayaashii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu mamnuucayay ku-takrifalka Dhulka iyo Guryaha Danta Guud;

Markuu Helay:                  Daraasadda, warbixinta iyo talo soo jeedinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka;

Markuu Ku Qancay:        In uu dayac iyo boob ka jiro hantida ma-guurtada ah ee Dawladda (Dhulka iyo Guryaha);

Wuxuu soo Saaray Xeerkan oo uu ku go’aamiyey;

  1. In Guryaha Dawladda ee aan Hay ‘ad dawladeed gacanta ku haynin:

a)    In dib loogu soo celiyo gacanta Xukuumadda.

b)    In aan magdhaw loo celin qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhalan-rogay ama wax ugu kordhiyey Guryaha Dawladda.

c)     In qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhistay dhul bannaan oo shacab-eeriya ah uu bixiyo qiimaha u dhigma dhulka uu dhistay ama dawladdu u celiso qiimaha dhismaha ka galay.

d)   In aan waddooyinka iyo goobaha adeega guud loogu talo-galay sinaba loogu mulkiyi karin lahaansho gaar ahaaneed.

e)    In qofkii dumiyey dhisme dawladeed lagula xisaabtamo magdhawgiisa.

  1. In la asteeyo lana xadido Guryaha dawladda iyo dhulka shacab-eeriya ee aan looga maarmayn danta guud ee Qaranka.
  2. In la iibiyo Guryaha Dawladda iyo dhulka Shacab-eeriya ee aan loo isticmaalin danta guud ee Qaranka laguna shubo Khasnadda Dawladda.

Fulinta iyo dhaqan gelinta Xeerkan waxaa u xilsaaran Guddiga qaran ee ku xusan Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lr. 17/2001 Qodobkiisa 31aad, Faqradiisa 2aad oo u dhigan sidan “Wixii dhul dawladeed ah ee dan loo arko in laga iibiyo qof, shirkad, safaarad iwm ee leh sifo la ogolaaday, waxaa iibin kara oo keliya Dawladda Dhexe oo ay wakiil ka yihiin Guddi Qaran oo ka kooban:

a)    Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka “Gudoomiye”.

b)    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda “Xubin”.

c)     Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka “Xubin”.

d)   Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka “Xoghayn”.

Waxaa la’ dajinaya siyaasadda iyo qorshaha guud ee lagu maamulayo isla markaana ka gacan siinaya fulinta xil-gudashadooda masuuliyiinta kala ah:

  • Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
  • Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
  • Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  • Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.
  • Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
  • Garyaqaanka Guud ee Qaranka.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories