HomeMadaxweyne Siilaanyo oo digreeto uu soo saaray ku abuuray Ciidanka ilaalinta Sahanka...

Madaxweyne Siilaanyo oo digreeto uu soo saaray ku abuuray Ciidanka ilaalinta Sahanka iyo Soo-saarka Shidaalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xeer madaxweyne dhaqan geliyey aasaasida Ciidanka ilaalinta ammaanka goobaha laga wado sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee dalka, kaas oo maamul ahaan hoos-tagi doona taliyaha Ciidanka Booliska oo la tashanaya Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo_TurkigaCiidanka Ilaalinta Sahaminta iyo Soo-saarista Kheyraadka dalka, ayaa laga soo dhex-xuli doonaa ciidamada Booliska iyo Milatariga Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo lagu shaaciyey Xeerka madaxweynaha ku abuuray Waaxda Ilaalinta Sahaminta Kheyraadka dalka ee Ciidanka booliska oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ayaa qornaa sidan:

Madaxweynuhu

Markuu Arkay:                       Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda      Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda          Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee    Ciidammada Qaranka;  

Markuu Arkay:                       Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda          Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay      mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

Markuu Tixraacay:                Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka        debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo        ilaalintiisa;

Markuu Garawsaday:           Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;   

Wuxuu Go’aamiyey

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry),  Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.”

Shirkadaha xukuumaddu heshiisyahada kula gashay sahaminta shidaalka iyo kheyraadka oo qaarkood ka hawl-galeen dalka isla markaana ay joojiyeen hawlihii ay wadeen ka dib cabsi ay ka muujiyeen amni-darro ka jirta deegaannada, ayaa xukuumadda shuruud kaga dhigay hirgelin ciidan u gaar ah oo ilaaliya goobaha shidaalka laga baadhayo, shaqaalahooda iyo agabka ay ku shaqaynayaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories