HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Digreeto ku Mamnuucay Ka-ganacsiga Bacaha, kuna Amray Ganacsatada inay...

Madaxweyne Siilaanyo oo Digreeto ku Mamnuucay Ka-ganacsiga Bacaha, kuna Amray Ganacsatada inay 120 Cisho ku dhammeeyaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu caawa soo saaray ku mabnuucay soo-dejinta iyo Ka-ganacsiga Noocyada Bacaha kala duwan, marka laga reebo inta immika taala bakhaarrada iyo xarumaha ganacsi ee soo dejiya Badeecadahan oo halis ku haya dhowrsonaanta Deegaanka.

Md Axmed Siilaanyo waxa uu digreetadiisa ku amray Ganacsatada in Bacaha wakhtigan ku jira ee yaala Bakhaarrada lagu dhameeyo muddo 120 maalmood ah wixii ka dambeeyana aan dalka loo soo dejin doonin, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dhakhaatiir Mihnaddooda Caafimaad la AqoonsadayWar-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobbada 90aad iyo 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobada 68aad iyo 75aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/2007;

Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Heer Qaran ee Bilicda Magaalooyinka;

Markuu Tixgeliyey:          Xilka iyo Mas’uuliyadda Dawladda ka saaran ilaalinta  fayo-dhawrka deegaanka, bilicda iyo nadaafadda guud ee  Magaalooyinka Somaliland;

Markuu Garawsaday:     In jaangooynta kormeerka iyo wax-ka-qabadka bulaacadaha, Musqulaha iyo goobaha qashin qubka iyo nadaafadda    Goobaha Ganacsiga sida Sariibadaha iyo Goobaha Cuntada ay aas-aas u tahay kor u qaadida iyo ilaalinta fayo-dhawrka;

Markuu Arkay:  Dhibaatada ay Bacdu ku hayso Dhirta, Xoolaha, caafimaadka   guud ee Bulshada iyo Bilicda Magaalooyinka Somaliland;

Wuxuu Go’aamiyey:

  1. In ay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada Bacda ee kala duwan sida Bac-miikada, Bacda ila-qabada, bacaha Shirkadaha iyo Dukaamada ee Xayaysiiska Ganacsiga.
  2. In Dawladaha Hoose iyaga oo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan Goobaha Ganacsiga iyo Warshadaha in Bacaha u yaalla ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood, muddadaa wixii ka danbeeyana ay ku dedaalaan wixii beddeli lahaa Bacaha.
  3. In Wasaaradaha ku Shaqada lehi iyaga oo u maraya Maamulka Gobollada ku kormeeraan Dawladaha Hoose ilaalinta iyo kor u qaadida heerka fayo-dhawrka Deegaanka iyo Caafimaadka Bulshada.
  4. In la joogteeyo Wacyigelinta Dadweynaha ee faya-dhawrka deegaanka.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories