HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Digreeto ku Dhaqan-geliyey Xeerarka La-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Wareejinta Maxaabiista

Madaxweyne Siilaanyo oo Digreeto ku Dhaqan-geliyey Xeerarka La-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Wareejinta Maxaabiista

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 21 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray laba digreeto uu ku dhaqan-geliyey laba xeer oo ay hore u soo ansixiyeen Golayaasha Baarlamanka kuwaas oo kala ah Xeerka La-dagaalanka Budhcad-badeeda iyo Xeerka Wareejinta Maxaabiista.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed xambaarsan labada digreeto ee madaxweynaha kaas oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Daahir Cukuse, waxaanay labada digreeto u dhignaayeen sidan:

Digreetada Xeerka Budhcad-badeedda

“Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-988/032012, ku Dhaqan-geliyey Xeerka La-Dagaalanka Budhcad – badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/555/2012 ee 21/03/2011 ee Go’aanka Ansixinta Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012;

Markuu Arkay:    Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeer Lr. 52/2012 ee Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law).

Digreetada Xeerka Maxaabiista

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-989/032012 ku Dhaqan-geliyey Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/556/2012 ee 21/03/2011 ee Go’aanka Ansixinta Xeerka Wareejinta Maxaabiista Xeer Lr. 53/2012;

Markuu Arkay:    Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeer Lr. 53/2012, ee Xeerka Wareejinta Maxaabiista.

Dhaqan-gelinta Labada Xeer ayaa suurto-galinaya inay Somaliland ka mid noqoto Waddamada Caalamka ee dagaalka kula jira Budhcad-badeedda amaan-darrada ku haya maraakiibta iyo doonyahay Ganacsi ee ka gooshaya Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Sidoo kale, waxay xeerarkani suurto-gal ka dhigayaan in Somaliland la keeni karo Maxaabiis lagu maxkamadeeyey ama ku xidhan dalal kale oo Shisheeyey gaar ahaan maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ee ku xidhan xabsiyada waddamo kale. Tallaabadani waxay maxaabiista Budhcad-badeedda Soomaalida u saamaxaysaa inay helaan Xabsiyo ku yaala dal ay dhaqankooda iyo caadadooda isku mid ka yihiin, hadday ahaan lahayd Cuntada, Cibaadada iyo xataa hab-la-dhaqanka.

SOMALILANDPOST.ENT

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories