HomeMadaxweyne Siilaanyo oo muddeeyey Wakhtiga laga qabanayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka

Madaxweyne Siilaanyo oo muddeeyey Wakhtiga laga qabanayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Madaxweyne Siilaanyo oo Kalsooni ka Muujiyey inuu Mar labaad Hanan Karo Hoggaaminta talada dalkaHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa digreeto madaxweyne ku muddeeyey wakhtiga la qabanayo  Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, isaga oo ayidey muddada Guddiga Doorashooyinku u qabtay oo ku beegan bilowga Bisha Todobaad ee sannadkan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda, waxa uu madaxweynuhu Amray in dalka laga qabto Diiwaangelinta codbixiyeyaasha 1-da bisha 7aad ee 2015 oo Guddiga Doorashooyinku hore ugu muddeeyeen

War-saxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3164/042015 ku go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

Markuu Arkay:    Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;

Markuu Tixgeliyay:  Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015.” Sidaas ayaa lalgu yidhi war-saxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories