HomeMadaxweyne Siilaanyo oo dhaqan-geliyey Dhammaystirka In ka badan Toban Kun oo Ciidamada...

Madaxweyne Siilaanyo oo dhaqan-geliyey Dhammaystirka In ka badan Toban Kun oo Ciidamada Somaliland ah oo Muteystay Derejooyin u Dhexeeya Alifle ilaa Sarreeye Gaas

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay soo saaray Xeer madaxweyne oo uu ku dhaqan-geliyey Bixinta hormada labaad ee derejooyinka Ciimada kala duwan ee dalka, taas oo la bixinayo maalinta Ciidal-Fidriga ee dabayaaqada todobaadkan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, wejiga labaad ee bixinta derejooyinka ayaa dhammastiraya in ka badan 10,000 oo askari oo lagu taxayo derejooyinka u dhexeeya Alifle ilaa Sarreeya Gaas, kuwaas oo ay weheliso gunno lagu salaynayo dallaacaadda, taas oo kordhinteedu bilaabmi doonta  bisha sagaalaad ee Sannadkan.
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.   
madaxweyne SiilaanyoMadaxweynuhu
Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:  In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen;
Markuu Tixgeliyey:  Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii;
Markuu Tixgeliyey:  Talo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa;
Markuu Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan;
Markuu Ku-qancay: In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;
WUXUU GO’AANSADAY
Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.”

SOMALILANDPOST.INFO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories