HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Degmo Cusub ku soo Kordhiyey Gobolka Sanaag

Madaxweyne Siilaanyo oo Degmo Cusub ku soo Kordhiyey Gobolka Sanaag

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Degmada Awrboogays

Hargeysa (SLpos)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxmuud (Silaanyo), ayaa maanta ka hor intii aanu dalka ka amba-bixin waxa u degmo Cusub u magaalada tuulada Awr-boogays ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta  socdaal ugu baxay waddanka Turkiga, ayaa tuulada Awr-boogays u magacaabay inay noqoto degmo ka tirsan gobolka Sanaag.

War-saxaafadeed ka soo Baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2096/102013 uu degmo ugu magacaabay Awr-boogays oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:   Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Arkay:  Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-bedelidda Qaab-dhismeedka Dalka.

Markuu Tix-geliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka.

Markuu Tix-geliyey: Baahida loo qabo in Degmada Awr-boogays loo magacaabo Degmo cusub.

Markuu Dhegeystay:  Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday

In uu Awr-boogays u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.”

Talaabada madaxweyne Siilaanyo ku dhaqan-geliyey magaabisa Degmada Awr-boogays, ayaa qayb ka ah Heshiis dhex-maray xukuumaddiisa iyo wax-garadka iyo madax-dhaqameedka Beesha Koonfurta gobolka Sanaag, ka dib markii Garaadka Guud ee Beesha Naalleeye Axmed (Dhul-bahante), Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed uu dhawaan socdaal ku yimi magaalada Hargeysa oo lagu dhammaystiray wejiga labaad ee heshiis dhexmaray Xukumadda kaas oo uu hordhac u ahaa ciidan-beeleedyo lagu qarameeyey Ciidamada Qaranka Somaliland.

SOMALILANDPOS.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories