HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Dawladda Japan ka codsaday Taageero Toos loo siiyo Xukuumaddiisa...

Madaxweyne Siilaanyo oo Dawladda Japan ka codsaday Taageero Toos loo siiyo Xukuumaddiisa iyo inay ku soo biiraan Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Safiir ku xigeenka Dawladda Japan u fadhiya Kenya Mikio Mori iyo oo muddo todobaad ah booqasho ku joogay dalka.

DSC_0018Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga dawladda Japan waxa ay ka wada-hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda dawladda Japan ka fuliso Somaliland ee soo mara hay’adaha Qaramada Midoobay iyo sidii dawladda Japan ugu biiri lahayd waddamada Dhaqaalaha ku bixiya Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ay hormood ka yihiin dalalka Ingiriiska, Netherland, Norway iyo Denmark.

In kasta oo aanay warbaahinta goob-joog ka ahayn kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo danjiraha dawladda Japan, waxa shir-jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta kula hadlay Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shir iyo Safiir ku-xigeenka Dawladda Japan ee dalka Kenya Mikio Mori.

DSC_0028Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu sheegay inay ka codsadeen dawladda Japan sidii ay taageerooda dhaqaale si toos ah u siiyaan Somaliland, kuna soo biiraan Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

“Waxa maanta halkan inala jooga safiirka Japan u fadhiya Kenya iyo xoghayaha koowaad. Muddo afar cisho ah bay nala joogeen, waxay u yimaaddeen inay kormeer ku sameeyaan mashaariicda ay maalgeliyaan ee soo mara hay’adaha Qaramada Midoobay. Wuxuu soo maray Berbera iyo Sheekh, wixii uu waddanka ku soo arkay aad iyo aad buu ula dhacay.

Saakana shirbuu madaxweynaha la yeeshay, waananu uga mahadcelinay deeqaha ay dawladda Japan iyo shacabkoodu siiyaan Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

DSC_0025Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaanu ka codsannay inay deeqa toos noo siiyaan oo ay ku soo biiraan Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Waxa kale oo aanu ka codsaannay inay naga caawiyaan dhinaca Cuntada, biyaha, Caafimaadka, Tacliinta iyo Kaabayaasha.”

Dhinaca kale, Safiir ku-xigeenka Japan oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan filayaa inuu Dr Sacad dhammeeyeyba wixii aan odhan lahaa. Aniga iyo weftiga igu wehelinayey aadbaanu uga mabsuudnay socdaalkayaga Somaliland oo aanu nimi 23-kii November ilaa maanta.

DSC_0022Waxaanu uga mahadcelinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, hay’adda UNICEF iyo Saaxiibkay Dr Sacad inay suurto-galiyeen socdaalkayga aan ku imi halkan.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan madaxweynaha uga mahadcelinayaa kulanka aanu yeelannay oo aanu ku naaqishnay xidhiidhka ka dhexeeya Shucuubka Japan iyo Somaliland,” ayuu yidhi Dr Safiirku isaga oo intaas ku daray inay socdalkiisu dhidibbada u taagayo iskaashi hor leh oo dhexmara labada dawladdood ee Somaliland iyo Japan.

DSC_0040Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi CalI Xaaji Xasan, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda Mowlid Ibraahim, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali,     Maxamed Cismaan Agaasimaha la dagaalkan Budhcad Badeeda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories