HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Culimo-Aw Diinka Somaliland ku Booriyey inay Bulshada uga Digaan...

Madaxweyne Siilaanyo oo Culimo-Aw Diinka Somaliland ku Booriyey inay Bulshada uga Digaan Dadka Fekerrada Qaldan u adeegsanaya Diinta Islaamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa kulan Afur iyo Casho sharaf ah la qaatay Culimo aw diinka Reer Somaliland oo ka kala yimid 6-da Gobol ee Somaliland.

blank

Kulankan oo ku qabsoomay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ahaa kulan ay madaxweynaha iyo Culimo aw diinku ay yeesheen, kaas oo la xidhiidha is xog-waraysi iyo sidii ay culimado aw diinka Somaliland u xoojin lahaayeen nabadgelyada, ee ay awalba caadada iyo dhaqanka u ahayd culimada una ilaalin jireen nabadgelyada.

blankKulankaa is xog-waraysiga ah, ka dib waxa Culimada hadal kooban oo mahadnaq iyo dardaaran u jeediyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uga mahadnaqay culimo aw diinka sida qiimaha badan ee ay u soo ajiibeen kulankan, isaga oo madaxweynuhu culimo aw diinka xog-waran ka siiyey xaalada guud ee nabadgelyada dalka iyo doorka ay ku leyihiin ka culimo ahaan.

blankSidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay Culimo aw diinka sida ay uga qayb qataan baraarujinta ay marwalba la garabtaagan yihiin mujtamaca reer Somaliland.

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu kula dardaarmay culimo aw diinka inay meel uga soo wada jeedaan ugana digaan bulshada kuwa xumaha kula dhex wareegaya ee diinta sida qaldan u fahmay ee ma-jara habaabiya dhalin yarada aan qaan gaadhin iyo kuwa is garxiya ee argagixisada ah, isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay marwalba ka wacdiyaan dhalinta wixii xun.

blankCulimo aw diinkuna waxa ay balan qadeen in ay meel uga soo wada jeesan doonan qarannimada Somaliland iyaga oo ku dheeraaday in nabadgelyadu tahay mid lagama maarmaan u ah qof kasta oo ku nool aduunka, haseyeeshe wixii ku waajib ah ee la xidhiidha wada shaqaynta xukuumad iyo shiciba ay diyaar u yihiin kana wacyi-gelin doonaan wixii dhawacaya nabad-gelyada.

blankUgu danbayn waxa Madaxweynaha iyo Culimo aw diinku ay bulshada ugu baaqeen in ay ahaadaan dad meel uga soo wada jeeda jiritaankooda iyo nabadgelyadaba Dalka.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey xubno ka mida golihiisa wasiirada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories