HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Ciidamada Hortooda Ka Cadeeyay In Gacan Bir Ah Lagu...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ciidamada Hortooda Ka Cadeeyay In Gacan Bir Ah Lagu Qabanayo Askariga Sarkaalkiisa Toogta Kana Qaybgalay Xuska Aasaaska Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka qaybgalay xuska 22 guurada aasaaska ciidamada qaranka, waxaanu ciidamada u cadeeyay in gacan bir ah lagu qaban doono askarta dilaysa saraakiisha, waxaanu hanbalyo u diray guud ahaan ciidanka qaranka iyo shacbiga Somaliland12650859_941684355915626_7712178328048660438_n.

Waxaana qudbadaas oo dhamaystiran ay u dhignad sidan “Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay maanta in aan ka soo qayb-galo Xuska Sannad Guurada 22aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Aniga oo ka faa’iidaysanaya madashan iyo munaasibadan taariikhiga ah, waxaan jecelahay inaan hambalyo iyo bogaadin balaadhan hawada u mariyo cutubyada kala duwan ee Ciidanka Qaranka Madax iyo Minjo. Mar kale, munaasibadan awgeed waxaan hambalyo u dirayaa Qoysaska Ciidanka Qaranka iyo guud ahaan Shacbi-weynaha Somaliland.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hal-doorkii u kala danbeeyey hal abuurka iyo hogaaminta Ciidanka Qaranka, ragaas oo ay ka mid yihiin Mudane, Xasan Cali Abokor, Taliyihii u horreeyey ee Aasaasay Ciidanka Qaranka. Mudane, Cismaan Cawed Xaashi (Cismaan Dacas). Mudane, Xasan Yoonis Habane, ilaahay ha u naxariisto. Mudane, Cabdi-samad X. Cabdillaahi (Gamgam). Mudane, Nuux Ismaaciil Taani Mudane, Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif). Mudane, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale).

Waxaan u ducaynayaa dhammaanba geesiyaashii u shahiiday Difaaca Qadiyadda Qarannimada Somaliland, waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu denbi dhaaf siiyo, naxariista janadana ka waraabiyo.

Duco Qabayaal

Qaran aan ciidan iyo cudud adag lahayni, cadaw iskama caabiyi karo, wuxuuna ka dhigan yahay ruux curyaan ah oo aan haba yaraatee cago lahayn. Cuudka, Caqliga iyo Cududa Milateri, waa cawada iyo ayaanka uu maanta caalamku is-dheer-yahay. Sidaa darteed, waa ilaahay mahadii in uu ciidankeenu gaamuray oo laba iyo labaatan gu oo gaw ah uu baarka ka gooyey. Shaki kuma jiro mudaddaa dheer in uu tisqaaday aqoon ahaan, agab ahaan, tiro ahaan iyo tayo ahaanba.

Ujeedada Ciidanka Qaranka loo abuuray ma’aha in bulshada loogu caga-jugleeyo ama lagu cabudhiyo. Hase yeeshee, waxa loogu talo galay in ay sugaan amaanka dadka, isla markaana difaacaan cadaw kasta oo ku soo duula Dalkeena Hooyo.  Arrintaas waxaa markhaati ma doon u ah goob kasta oo ay Ciidanka Qaranku ka hawlgalaan min Bari ilaa Galbeed waxa ka suurtagashay nabad waarta iyo nolol wanaagsan.Miyaanay ahayn wax lagu farxo ama lagu faano awoodda, aqoonta, anshaxa iyo asluubta wanaagsan ee Ciidamada Qaranka meel kasta oo ay joogaan maanta lagu majeerto.

Duco Qabayaal

Waxaan idin leeyahay Shacbiga aad ciidanka u tihiin caad kama saarna xilka culus ee aad u haysaan. Waxaa hubaal ah in aad nafihiina u hurtaan difaaca Dalkiina Hooyo. Waxaa hubaal ah in aad heegan ugu jirtaan habeen iyo maalin ilaalinta amniga iyo adkaynta nabadgelyada ummaddiina. Waxa hubaal ah in aad si hufan u gudateen xilkii iyo waajibkii idinku beegnaa.

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

Duco Qabayaal

In kasta oo aynu xaqiijinay guulaha waaweyn ee aan soo sheegay, hadana uma jeedo in aanay jirin qabyo ama ay wax kastaa inoo dhan yihiin, hore ayaa loo yidhi: Shaqo Dawladeed Ma Dhamaato, ee Ninkeeda ayaa Dhammaada,Sidaa darteed, waxaan idinku boorinayaa in aad dedaalkiinii hore laban-laabtaan, isla markaana feejigo iyo fiiro dheer u yeelataan cid kasta oo doonaysa in ay khal-khal geliso degenaanshaha iyo xasiloonida dalka.

 Dhinaca kale, waxaan idiinka digayaa in aad ku milantaan loolanka iyo laacdanka siyaasadda, taas oo ah mihnad iyo meherad rag kale leeyahay. Waxaan idinka waaninayaa Qabyaaladda iyo Qaadka oo aan ku tilmaami karo in ay yihiin Aafo Qaran.

Waxaan jecelahay in aad ka faa’iidaysataan Qorshayaasha Waxbarashada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigu idiin diyaarisay xilliyada aad firaaqada tihiin, taas oo loogu talo-galay in kor loogu qaado aqoontiina, isla markaana la idinkaga mashquuliyo boholyowga balwadaha iyo wixii la mid ah.

Duco Qabayaal

Beryahan danbe waxa soo batay dilalka Ciidanka Qaranka dhexdiisa, gaar ahaan dilka Saraakiisha.  Arrintani waa denbi iyo dhaqan fool xun oo aan loo dulqaadan Karin, waxaan u cadaynayaa in cid kasta oo geysata dil sharci-darro ah in cadaaladda la horkeeni doono, cawaaqibka ay leedahayna la dhadhansiin doono.

Intaas waxa dheer, toddobaadka soo socda insha Allah, waxaan magacaabi doonaa Guddi Kooban oo baadhis qoto dheer ku soo samaysa sabaha abuuray ama dhiiri-geliyey dilalka Ciidammada dhexdooda.

Duco Qabayaal

Xukuumadda aan madaxda ka ahay, waxay ku talaabsatay wax-qabad iyo horumar weyn oo ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo haybadda Ciidamada Qaranka. Sida aad wada ogtihiin waxaannu kordhinay mushaharkii 130% laba jeer oo isku dhaw.

Ka dib 19 sanno markii uu sinnaa Subeehiga iyo Sarkaalka Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu ku dhiiranay bixinta derajada garbihiina ku xardhan. Waxaannu u samaynay gunno dheeraad ah, gaar ahaan ciidamada jiidaha hore, gunnadaas oo dhan Askarigiiba 100,000 Somaliland Shilin.

Mar labaad, waxaan amray sannadkan 2016 in gunnadii aad u bixiseen geed fuulka loogu daro Askari kasta oo ka hawlgala jiidaha hore 180,000 Somaliland Shilin, taas oo ka bilaabmaysa bishan January ee dhamaatay.

Duco Qabayaal

 Xukuumadayda waxa ka go’an dedaalada ay ku xoojinayso dhismaha, awoodda iyo niyadda Ciidamada Qarankan.

Sidaas darteed, waxaan idin leeyahay AMBA FAYDNIYE, WAXBA HA I FARIN ee ku niyad samaada, sabir, dulqaad, iyo dedaal. isku duubni iyo adkaysina ogaada

Alahayow …………. Alahayow

Ciidanka Qaranku Ha Guulaysto

Somaliland Ha Guulaysato

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories