HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Cafis u Fidiyey Xildhibaanno Fal-dambiyeed Qaranimada liddi ku ah...

Madaxweyne Siilaanyo oo Cafis u Fidiyey Xildhibaanno Fal-dambiyeed Qaranimada liddi ku ah u xidhnaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweyne Siilaanyo oo Kalsooni ka Muujiyey inuu Mar labaad Hanan Karo Hoggaaminta talada dalkaHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa cafis u fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa kuwaas oo muddo todobaaddo ah u xidhnaa fal-dambiyeed ammaanka ka dhan ah oo lagu eedeyey.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, madaxweyne Siilaanyo waxa uu cafis u fidiyey Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorama, kuwaas oo ciidamada ammaanka ka qab-qabteen magaaladaas iyaga oo gacmaha kula jira falal la xidhiidha kicin dadweyne iyaga oo shir-jaraa’id oo ay qabteen magaaladaas ku sheegay inaanay bulshada reer Awdal ka sii mid ahaan doonin Somaliland.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweynuhu waxa uu labada xildhibaan ka aqbalay cafis ay waydiisteen. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;

Markuu Tixgeliyey:   Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.

Wuxuu Go’aamiyey  In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Waxa dhawaan cafis lagu sii daayey koox dhalinyaro ah oo magaalada Boorama mar laga soo wada-qabtay labada xildhibaan, kuwaas oo muddo dhowr todobaad ah ku xidhnaa Xabsiga Mandheera. Xildhibaannada iyo dhalinayarada cafiska loo fidiyey, ayaa taageero u muujiyey Suldaan Abibakar Wabar oo ku dhawaaqay in shacabka gobolka Awdal aanay ka sii mid ahaan doonin Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories